4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 26, 2012
Dadweynaha Somaliland oo si iskaa-wax-u-qabso ah Jidad laami ah kaga hirgaliyey Gobollada iyo Magaalooyinka Qaarkood
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Labaddii sano ee u dambeeyey ayaa dadweynaha Somaliland ku baraarugeen inay iskood u samaystaan wadooyinka deegaanadoodda, si ay horumarka, ganacsiga iyo isku xidhnaanta magaalooyinkoodu u fududaato.

Dadka soomaalidda oo ah dad inta badan isku dayday oo hadba waxa jira uun la jaanqaada una baahan baraarujin ayaa sanadihii u dambeeyey wadooyin isku xidha magaalooyinka aan wadada fiican lahayn bilaabay, isla markaana intooddii badnayd ku guuleysteen  inay si fiican ugu hirgasho wadooyinkaasi, iyagoon cid kale tageero ka helin.

Dadweynaha Awdal ayaa wadadii ugu horaysay ka bilaabay jidka isku xidha magaaladda Boorame iyo magaaladda Dilla oo 28 KM  dhan, taas oo dadweynuhu aad ugu rafaadi jireen,maadaama oo wadada laamida ahi ku joogto degmadda Dilla, sidaa darteed, waxay dadweynahaasi ku fikireen inay inta ka dhimana oo ah 28 KM ay qabyo tiraan oo ay hadda 16 KM dhamaystiray.

Sidoo kale, waxa iyana lagu xigsiiyey oo ganacsato reer Hargeysa ahi bilaabeen waddo kale oo iyana aad u raf ahayd oo buuro leh oo ku taalla waqooyiga Hargeysa oo ah wadada tagta Jabuuuti oo isku xidhi doonta Hargeysa iyo Jabuuti oo loo yaqaan Dawga-Cad, waxaanay guddi isku xilqaamay dhisidda wadadaasi ka hirgaliyeen waddo laba haad ah oo meeshii ugu darnayd ee baabuurtu ku qalabi jirtay ka bilaaabeen, iyadoo wadadaasi hore u galaafatay dad badan, maadaama oo waddo hal dariiq ah oo aan baabuurtu iskaga gudbi Karin ahayd.

Sidoo kale, mashaariicdaas iska wax u qabsadda  lagu hirgaliyey deegaanadoodda ayaa noqday mid si weyn looga faa’iiday, kuwaas oo dadkii ku abuuray tartan ku dhex mara horumarka deegaanadoodda, waxaanay deegaan waliba iskii uga fikiray inuu jid laami ah samaysto, waxaana tartankaasi ka dhashay wadooyin ay ka mid yihiin ta laga waddo degmadda Oodweyne, Burco Ilaa Hargeysa, Balligubadle iyo Hargeysa, Salaxley iyo Hargeysa, Togwajaale iyo Tuuladda Kala Baydh ee gobolka Gabiley, iyo wadada laga waddo Gobolka Sanaag.

Sidoo kale, waxa iyana tartan kale ka bilaabmay magaalooyinka dhexdooda oo laga hirgaliyey wadooyinka cusub oo ay isla kaashanayaan dawladaha hoose ee magaalooyinka waaweyn iyo dadweynaha magaalooyinkaasi, waxaana jidadka magaalooyinka laga hirgaliyey hormood u ahaa dawladda hoose ee Hargeysa iyo dadweynaha xaafadaha magaaladda Hargeysa oo dhexdoodda tartan la galiyey, iyadoo saddexdii biloodba xaafad Hargeysa ka mid ahi  intay lacag urursato ku darsata qorshaha laami laga hirgaliyo xaafadoodda, iyadoo aad arkaysay mudooyinkii u dambeeyey laami cusub oo magaaladda Hargeysa dhexdooda laga hirgaliyey oo intoodda badan ay iska ururiyeen dadweynaha, dawladda hoosana wax ku darsatay oo ay ka caawisay qalabka iyo gaadiidka lagu samaynayo jidadkaasi.

Waxa ku xigtay magaaladda Berbera oo noqotay magaalada ugu hirgalinta badan xaga wadooyinka, bil kasta laga sameeyo waddo cusub, waxa iyana ku xigtay magaalada Boorame oo laga hirgaliyey dhismayaal wadooyin cusub oo aanay hore u lahayn jirin, magaaladda Gabiley ayaa iyana laga hirgaliyey wadooyin cusub oo aanay cidi ka caawin inkastoo imika hakad ku yimid sidii xilka looga qaaday Maayarkii hore ee Khadra X. Gaydh oo iyadu ah maayarka kaliya ee magaaladaasi ka hirgalisay wadooyinka iyo waxqabad la taaban karo oo ilaa hadda dadweynaha reer Gabiley xasuusan yihiin waxqabadkeeddii.

Jidadkan magaalooyinka dhexdooda iyo kuwa magaalooyinka dibadda ah ba waxay noqotay mid tartan galisay magaalooyinka iyo goboladda aan hore wadooyin fiican u lahayn, iyadoo dadweynuhu iska soo ururiyaan lacago lagu hirgaliyo deegaanka ay ka soo jeedaan  sidii looga samayn lahaa waddo laami ah, xaafadaha magaalooyinka dhexdoodda ayaa iyaguna tartanka ka maqnayn oo xaafad xaafad u tartamaya.

 Tartamadda lagu tartamayo horumarinta deegaanadda ayaa ah tusaale fiican oo lagu daydo, isla markaana haddii ay dadka soomaalidu heli lahaayeen madax wanaagsan oo ku dhiirigaliya iska wax u qabsada dadweynaha wax badan qabsan lahaayeen oo aanay fadhiga ku sugayn in wax loo qabto.

Waxa iyana xusid mudan in mashaariicda horumareed aanay dawladda Somaliland waxba ku darsanin, marka laga reebo balanqaadyo iyo meelaha qaar oo aanay wax aan badnayn ku darsatay, inkastoo wasiirkii hore ee Maaliyadda Maxamed Xaashi miisaaniyadda Qaranka u daray wadooyinkaasi socday in la badhitaaro oo dawladu lacag ku darsato si loo dhiirigaliyo dadweynaha, haseyeeshee dadweynaha ayaa guddi ay ku kalsoon yihiin oo u badan culimo ay iska soo xuleen ku aaminay lacagta lagu hirgalinayo jidadkaasi, isla markaasna guddidaasi dadweynaha tusaan lacagtoodii halka ay ku baxday taasina ay keento inay dadweynuhu ku dhiiradaan inay lacago kale oo badan ugu deeqaan guddida si loo dhamaystiro wadooyinkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, dadweynaha ayaa loo baahan yahay in lagu dhiirigaliyo inay wadaan mashaariicdan horumineed ee ay deegaankoodda ka wadaan, isla markaana cashuuraha laga qaado wax loogu qabto si ay cashuurta ku waajibtay iyo mid dheeraad ahba u bixiyaan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland