4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 25, 2012
Guddoomiyaha Guddiga Badbaadinta Geeska Africa oo la kulmay Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Mareykanka

Columbus, Ohio (HOL) Gudoomiyaha Gudiga badbaadinta Geeska Afrika Muuse Cabdi Faarax ayaa maalintii Khamiista ee bishan July 19keedii magaalada Washington kula kulmay  Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Mareyknaka Mudane Joe Biden.

Muuse Cabdi Faarax ayaa Madaxweyne-ku-xigeenka kala hadlay arimaha geeska Afrika gaar ahaan arimaha Somalia, waxa uu marka hore uga mahadceliyay taakuleynta bini'aadanimo ay mar walba u fidiyaan umadda Soomaaliyeed ee colaada daba dheeraatay iyo abaaraha isugu darsoomeen.

Mr. Faarax waxaa uu sidoo kale kala hadlay Mr. Biden in xiriirka u dhexeeya labada dawladood la xoojiyo lana isdhaafsaddo xiriir safaaradeed. "Dowladda Mareykanka oo safaarad ka furata dalka Soomaaliya wax weeyn ayey ka bedeleysaa Dawladnimadda Soomaaliya" ayuu yiri Muuse Cabdi Faarax.  "Waa in la helaa ergo kasocota dawladda Mareykanka iyo beesha caalamka oo ay hormood ka yiheen dawladda Mareykanka si ay goob-joog uga noqdaan doorashadda inagu soo foodleh ee bisha August 20 keeda si looga baxo nidaamka ku-meel gaarka ah"

Madaxweyne ku-xigeenka dalka Mareykanka Mr. Joe Biden ayaa si wanaagsan u soo dhaweeyey codsiga Mr. Faarax, wuxuuna rajo weyn ka muujiyey in xaaladda Soomaaliya ay soo wanaagsnaaneyso. Waxaan rajeynayaa ayuu yiri Mr. Biden in mar kale aan dib ugu noqondoono magaalada Muqdisho.

Hiiraan Online
Columbus, OH