4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 25, 2012
Ciidamada Itoobiya oo Xabsiga u Taxaabay Taliyaha Booliiska Baydhabo iyo Taliyaha Booliiska Gobollada Bay iyo Bakool
Arbaco, July 25, 2012 (HOL) — Ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa xabsiga dhigay maanta taliyihii ciidamada booliiska degmada Baydhabo, Aadan Biid iyo taliyaha ciidamada booliiska DKMG ee gobollada Bay iyo Bakool, Aadan Doodishe.

Wararka laga helayo degmada Baydhabo ayaa sheegayaan in labadan sarkaal lagu eedeeyay inay xabsiga Baydhabo kasii daayeen maxaabiis loo haystay inayu xiriir la lahaayeen Xarakada Al-shabaab.

"Xariga wuu jiraa waxaana socda dadaallo lagu doonayo in lagu sii daayo labada sarkaal," ayuu yiri sarkaal ku sugan degmada Baydhabo oo diiday in magaciisa laga siidaayo saxaafadda sababo la xiriira inaan loo ogeyn inuu dhiibo wabixin arrintan ku saabsan.

Mas'uuliyiinta maamulka degmada Baydhabo iyo kan gobolka Bay ee DKMG ah ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan xarigga saraakiishan ay u geysteen ciidamada Itoobiya oo kuwa dowladda KMG ah gacan ka siiya dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Ciidamada Itoobiya ayaan iyaguna ka hadlin sababta ay u xireen maanta labadan sarkaal, waxaana xarigooda uu kusoo beegmayaa xilli ay xaalad ammaan-darro ka jirto degmada baydhabo ee gobolka Bay.

Degmad Baydhabo ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka horrantii sannadkan laga qabsaday Xarakada Al-shabaab, waxaana tan iyo xilligaas ka dhacayay gudaha iyo daafaha degmadaas qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay geysanayaan kooxo xiriir la leh Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya