4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 25, 2012
Al-shabaab oo ku hanjabtay inay beegsan doonto xubnaha ka qaybgalaya shirka lagu ansixinayo Dastuurka ee Muqdisho ka furmay

Arbaco, July 25, 2012 (HOL) — Xarakada Al-Shabaab oo dagaal kula jirta dowladda KMG ah iyo AMISOM ayaa ku goodisay inay beegsan doonto odayaasha iyo ergada uu Muqdisho uga furmay shirka lagu ansixinayo dastuurka qabyada ah ee Somalia.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Xarakada Al-shabaab, Sheekh Maxamed Xasan Cumar (Abuu-C/raxmaan ) oo ayaa sheegay inay la socdaan shirka Odayaasha uga socda Muqdisho, isagoo odayaasha ku tilmaamay kuwo calooshood u shaqeystayaal ah oo aanay jirin cid ay matalaan.

"Waan la soconnaa arrimaha dastuurka ay gaaladu wadato, waxaan ogsoonnahay in gaaladu ay soo diyaarsadeen odayaal lagu magacaabay dhaqan, muddo ayay shirar u hayeen, cadawga Alle wuxuu doonayaa in sunnada Nebiga (NNKH) iyo kitaabka Qur'aan meesha laga saaro, taasina ma dhacayso," ayuu yiri Sheekh Abuu-C/raxmaan.

Wakiilku wuxuu sidoo kale sheegay in odayaasha dhaqanka ay ku qasban yihiin inay dastuurka ansixiyaan, isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay in odayaasha qaarkood ay kasoo horjeesteen qodobbada dastuurka ka midka ah.

"Odayaashu waxay ku qasban yihiin inay raacaan waxa loo yeeriyo, lagama baryayo inay ansixiyaan dastuurka, waayo lacag ayay ku cuneen, waana laga dhalaalinayaa, odayaasha walwalka muujinaya ee dhahaya dastuurka waxbaa ku jira inay ku qasban yihiin ansixintiisa ha ogaadeen," ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaa sannadkii hore isaga baxday degmooyin ay Muqdisho kaga sugnaayeen, kaddib markii culeysyo milateri ay dareemeen, iyadoo sidoo kale ay ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah ka qabsadeen bilihii lasoo dhaafay degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo dhinacyada ka xiga Muqdisho.

Ugu dambeyn, Sheekh Abuu-C/raxmaan wuxuu sheegay inay Muqdisho ka fuliyeen howgallo qorsheysan, kuwaasoo ay ku bartilmaameedsadeen ciidamada kala duwan ee dowladda KMG ah iyo fariisimaha AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya