4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 24, 2012
Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya iyo wefdi uu horkacayo oo galabta Garoowe soo gaarey (SAWIRRO)


Talaado, July 24, 2012(HOL): Magaala madaxda Puntland ee Garoowe waxaa gelinkii danbe ee maanta soo gaarey wefdi ka socda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Wefdigan oo ka kooban dhowr xubnood waxaa hor kacayey ra'iisul wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka ganacsiga iyo wershedaha Cabdiwahaab Ugaas Xuseen.

Mas'uuliyiin badan oo ka tirsan golaha wasiirada Puntland oo ay kamid ahaayeen: wasiirrada arimaha gudaha, maaliyadda iyo howlaha guud ayaa wefdigaas galabnimadii maanta si diiran garoonka diyaaradaha ugu soo dhoweeyey.

Sidoo kale waxaa soo dhoweynta wefdigan ka qayb qaatay xildhibaano, gudiga farsamo ee soo xulista ergada Puntland uga qayb geleysa shir-weynaha ansixinta Dastuurka iyo in badan oo kamid ah dadweynaha ku dhaqan magaala madaxda Puntland ee Garoowe.

Waxaana madaxda ra'iisul wasaare ku xigeenka booqashada uu Garoowe kusoo gaarey ku weheliya kamid ah: Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah Cabdilaahi Goodax Barre, la taliyaha ra'iisul wasaaraha ee dhinaca siyaasadda Keenadiid Khaawe iyo wasiir ku-xigeenka howlaha guud iyo gaadiidka Xareed Cali.


Ra'iisul wasaare ku-xigeenka oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka ayaa sheegay in socdaalkoodu uu yahay mid salka ku haya sidii ay ula kulmi lahaayeen madaxda sare ee Puntland gaar ahaan madaxweynaha iyo golihiisa wasiirada.

Inkasta oo uu ka gaabsaday in uu faah faahin dheeri ah ka bixiyo waxyaabaha ay kala hadli doonaan Puntland, wuxuu hadana xusay in labada dhinac ay ka arinsan doonaan arimo dhowr ah oo la xiriira danaha gaarka ah ee ka dhexeeya.

Booqashada wefdiga Federaalka ka socdaa ay magaalada Garoowe kusoo gaareen ayaa kusoo beegmeysa xilli weli ergooyinkii shirweynaha ansixinta Dastuurka, Puntland uga qayb geli lahaa ay Garoowe ku sugan yihiin.

Waxaana loo badinayaa in madaxda Puntland iyo Federaalku ay ka wada hadli doonaan sidii loo dedejin lahaa howlaha la xiriira qobsoomidda shir-weynaha ansixinta Dastuurka kaas oo in badan dib uga dhacay wakhtigii horay loogu qorsheeyey.



Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Somalia