4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 24, 2012
AMISOM oo sheegtay inay diyaarisay ciidammo sugaya amniga goobta uu ka dhacayo Shirka Ansixinta Dastuurka

Talaado, July 24, 2012 (HOL) — Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidammo ilaaliya goobta uu ka dhacayo shirka lagu ansixinayo dastuurka, sidoo kalena ay ilaalin doonaan goobaha kale ee shirarka lagu qabanayo.

Col. Xaamud ayaa sheegay in ciidamada ay ugu talogaleen inay sugaan ammaanka goobahaas ay diyaariyeen, isagoo xusay in tani ay qayb ka tahay howgallada ay AMISOM ka qaybanayso Soomaaliya.

"Waxaan diyaarinnay ciidammo ilaaliya goobaha lagu shirayo, sidoo kalena waxaan diyaarinnay ciidammo aan muuqan oo la socon doona dhaqdhaqaaqyada goobaha ay shirarku ka dhacayaan," ayuu yiri Col. Xaamud.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in ciidamadooda ay baaris ku sameynayaan cid walba oo galaysa goobta shirka iyo cid walba oo ka baxaysa, balse ma uusan in howshooda ay soconayso tan iyo inta laga dooranayo madaxweyne cusub iyo in kale.

Berri oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa inuu Muqdisho ka furmo shirka lagu ansixinayo dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya, waxaana shirkaas isugu imaanaya 825 ergay oo laga soo xulay qaybaha kala duwan ee blushada.

Toddobadyada xiga ayaa lagu wadaa in sidoo kale uu dhaco shir lagu soo xulayo xildhibaannada cusub ee baarlamaanka, kuwaasoo tiradooda laga dhigay 275 xubnood isla markaana bedeli doona kuwa hadda shaqeeya oo 550-xubnood ah.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya oo tiradoodu tahay 17,000 askari ayaa waxay ka socdaan dalalka, Jabuuti, Uganda, Burundi iyo Kenya, waxaana la filayaa in ciidammo ka socda Sierra Leone ay kusoo biiraan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya