4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 24, 2012
Xaaladda Nolol Xumo oo laga soo sheegayo deegaanno ku yaalla Galbeedka Gobollada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya

Talaado, July 24, 2012 (HOL) — Xaalado nolol xumo oo aad u liito ayaa laga soo sheegayaa deegaanada galbeed ee gobolka Jubada Hoose halkaasoo ay ku nool yihiin qoysas danyar oo ay saameeyeen coolaadaha ka jira Jubooyinka iyo weliba abaarihii ku dhuftay gobolka.

Deegaanada ay ka taaganyihiin xaaladaha nolol xumo waxaa kamid ah Deegaanka Dhoobleey, Degmada Afmadow, Badhaadhe, Qooqaani iyo deegaano dhowr ah oo hoostaga, sidoo kale xaaladahani nolol xumo ayaa laga soo sheegayaa deegaanada Jaziiradaha ee ku yaal gobolka Jubada Hoose.

Mid kamid ah odoyaasha degmada Badhaadhe oo lagu magacaabo Nabadoon Max'ed C/laahi ayaa HOL u sheegay in qoysaskani ku dhibaateeysan gobolka Jubada Hoose ay u badanyihiin qoysas deegaanadoodii uga soo barakacay dagaallada colaadaha ka taagan gobolka, wuxuuna sheegay in dadkani ay ku noolyihiin marxalad aad u adag.

"Marxaladda ay ku noolyihiin dadka ku dhaqan Kulbiyow iyo deegaanada ku dhowdhow aad bay u liidataa, dadkana waxay u badanyihiin dad ay hore u saameeyeen abaarihii ku dhuftay gobolka, hadana ay ugu sii darsameen colaado ka taagan deegaanadooda," ayuu yiri Nabadoon Max’ed C/laahi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maciishadii ay cirka isku shareertay arintaas oo uu u aaneeyay dhaqdhaqaaqii ganacsi ee ka iman jiray Kismaayo oo istaagay kadib markii Xarakada Al-shabaab ay ganacsatada ka mamnuucday in shixnado ganacsi ay geeyaan goobaha ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya.

Shixnadaha ganacsi ee kasoo daga marsadda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo ayaa waxa loo iibgeeyn jiray deegaanada galbeed ee gobolka Jubada hoose, iyo gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya, haseyeeshee ganacsigaasi ayaa in mudo ahba hakad galay kadib markii Xarakada Al-shabaab ay mamnuucday shixnadihii ganacsi ee aadi jiray dhanka galbeed ee gobolka Jubada Hoose, arintaasoo sii adkeeysay nolosha kumannaan qoys oo ku dhaqan deegaanada galbeed ee gobolka Jubada Hoose.

"Waxaan ka codsaneynaa hay’adaha samafalka iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa in ay usoo gurmadaan qoysaska ku dhibaateeysan gobolka Jubada Hoose, dadka iyagoo markii horeba xaalad adag ku noolaa ayay hadana soo gashay bishii Ramadaan waxaana jiro dad fara badan oo aan heli Karin wax ay ku afuraan," ayuu nabadoonku hadalkiisii raaciyay.

Dadka ku dhaqan gobolka Jubada Hoose oo u badan dad xoolo dhaqato iyo beeraley ah ayaa waxa siweyn u saameeyay abaarihii ku dhuftay Jubooyinka iyadoona ay jiraan qoysas fara bada oo ku xoolo iyo hanti beelay abaartii ku dhufatay dalka, mana jirin kaalmo biniaadanimo oo ku filan oo ay dadkani ka heleen hay’adaha samafalka, waxaana uga sii daray dagaallada aan dhamaadka lahayn ee ka taagan gobolka Jubada Hoose ee u dhexeeya ciidamada dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo militariga Kenya oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab.

Sidoo kale dhibaatooyinkani nolol xumo ayaa laga soo sheegayaa deegaanada Jaziiradaha ee goboloka Jubada Hoose oo ay kamid yihiin Buurgaabo, Kuda, iyo Koyama oo ay ku noolyihiin qoysas fara badan oo ay noloshoodu ku tiirsantahay waxsoosaarka dhinaca badda.

Qoysaskani ayay soo foodsaartay xaalad nolol xumo kadib markii la gudo galay xilligii badxiranka oo ay aalabaa dabeylo ka kacaan xeebaha Jubooyinka, taasoo keenta in doomaha kalluumeysiga ay gabi ahaanba istaagaan.

Dadkani ku dhibaateeysan gobolka Jubada hoose ayaa ka codsaday hay’adaha samafalka iyo cid kasta oo wax u awooda in lala soo gaaro kaalmo biniaadanimo oo deg deg ah.

Dhibaatooyinka dhanka nolosha ah ee laga soo sheegayo gobolka Jubada hoose ayaa kusoo beegmaya xilli gobollada Jubooyinka ay ka taaganyihiin xiisado u dhexeeya dhinacyada isku haya siyaasadda dalka Soomaaliya, waxayna arintaasi sii adkeysay xaaladda biniaadanimo ee ka jirta gobolka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya