4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 23, 2012
Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland oo bilaabay howgal balaaran oo lagu raadinayo Kooxaha Burcadbadeedda ah
Isniin, July 23, 2012 (HOL) — Magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug waxaa ka bilaabmay howgal balaaran oo ay ciidamada maamulka Puntland ku raad goobayaan kooxo la sheegay in ay Burcad-badeed yihiin, islamarkaana xiliyada qaar khal khal geliya ammaanka iyo xasiloonida guud ee gobolka.

Hawlgalkan oo bilaabmay habeennimadii xalay waxaa ku geeriyoodey ugu yaraan 2 qof, kadib markii uu iska hor imaad muddo kooban socdey dhex maray ciidamada ammaanka iyo kooxo Burcad-badeed ah, wax yar ka hor xilgii Suxuurta.

Iska hor imaadkaas ayaa yimid  kadib markii ay ciidamadu toogasho ku dileen nin la sheegay in uu Burcad-badeeda ka tirsanaa, kaas oo sida ay  saraakiil Booliska ka tirsani sheegeen ka madax adeygay amar lagu siiyey in uu istaago, si muraayadaha gaarigiisa looga fiiqo bacaha madow, kuwaas oo ay horay Puntland isticmaalkooda u mamnuucday.

Beryihii u danbeeyey waxaa magaalada Gaalkacayo gaarey ciidamo badan oo Boolis iyo Daraawiish isugu jira, ciidamadan ayaa sida wararka lagu helayo waxay Gaalkacayo u tageen sidii amaanka magaalada looga dhigi lahaa mid sugan.

Sidoo kale madaxda ugu sareysa maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacayo ee Puntland waxay mudooyinkii u danbeeyey ku sugnaayeen magaala madaxda Garoowe, waxayna kulamo gooni gooni la lahaayeen madaxda sare ee Puntland sida madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada.

Si kastaba ha ahaatee howgalkan ayaa imaanaya todobaad kadib markii gobolka Mudug laga afduubtay 3-qof oo u shaqeynayey mid kamid ah hay'adaha maxalliga ah ee samafalka, mas'uuliyadda afduubkaasna waxay qaar kamid ah madaxda gobolku dusha uga tuureen kooxaha Burcad-badeeda ah.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya