4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 23, 2012
Danjire Augustine Mahiga oo sheegay in la kordhinayo tirada Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Soomalaiya
Isniin, July 23, 2012 (HOL) — Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaablisan arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay in tirada xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo horay loo go'aamiyay inay noqdaan 225 xubnood laga dhigayo 275-xubnood.

Dajire Mahiga oo maanta la hadlayay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee shirku uga socdo Muqdisho ayaa sheegay in beesha caalamka uu kala hadlay sidii tirada xildhibaannada cusub looga dhigi lahaa 275-xubnood, taasoo ay iyagu horay u soo jeediyeen.

"Waxaan arrintan kala hadlay beesha calaamka, waxaana la isku raacay in tirada baarlamaanka cusub laga dhigo 275-xildhibaan, lana qaatay go'aankiinnii aad horay u soo jeediseen," ayuu yiri danjire Mahiga.

Sidoo kale, danjire Mahiga wuxuu odayaasha u sheegay in xildhibaannada ay soo xulayaan ay noqdaan 275, sidoo kalena looga baahan yahay inay si dhaqso ah kusoo gudbiyaan si howsha harsan loo dhameystiro.

Odayaasha dhaqanka ayaa waxaa laga sugayaa inay soo xulaan ergooyinkii ansixin lahaa dastuurka oo 30% ay haween yihiin iyo inay soo xulaan xildhibaannada cusub ee bedeli doona kuwa hadda jira.

Inkastoo madaxda dowladda KMG Soomaaliya aysan ka hadlin tirada la kordhinayo ee baarlamaanka oo uu maanta sheegay dajire Mahiga ayaan haddana la ogeyn go'aanka ay ka qaadan doonaan iyo inay la ogyihiin danjire Mahiga arrintan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya