4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 23, 2012
Madaxweyne Sheekh Shariif oo sheegay in Xildhibaannada soo socda ay leeyihiin wax ka bedelka Dastuurka Qabyada ah
Isniin, July 23, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo wareysi siiyay telefishinka ku hadla afka dowladda KMG ah ayaa kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin wax ka bedelka dastuurka, qorshaha looga baxayo xilliga KMG ah iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin inuu beeniyay inuu ka mid yahay kooxda Aala-Sheekh.

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dowladdiisa ay ka go'an tahay inay dhameystirto xilliga KMG ah oo ay ka harsan tahay 25-maalmood, isagoo sheegay in howsha uu hayo ay tahay mid uu ummadda Soomaaliyeed u hayo, balse aysan jirin koox uu si gaar ah ugu shaqeeyo.

"Runtii waa guul in siyaasiyiinta Soomaalida ay heshiis ku gaaraan in la dhameystiro xilliga KMG ah uuna dalku yeesho dastuur. Dastuurka wax ka bedelkiisa iyo wax ku daristiisa waxaa leh baarlamaanka soo socda, afarta sano ama shanta ee soo socotana waa laga shaqeyn doonaa illaa uu afti qaran ka gaaro, eedeymaha loosoo jeedinayo saxiixayaashana waa kuwo sal iyo raad aan lahayn oo la been abuuray," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa tilmaamay inay howlaha harsan ku dhameystiri doonaan muddada yar ee ka harsan xilliga ay shaqeynayso dowladda Soomaaliya ee hadda jirta isagoo xusay inay socoto soo xulidda xubnaha baarlamaanka.

"Waxaan rajeynayaa in muddada yar ee harsan lagu dhameystiro howlaha ka harsan ka bixitaanka xilliga KMG ah, wax walbana waxay ku qabsoomi doonaan sidii loogu tala galay," ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay in dib u dhac uu imaan karo.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomalaiya, wuxuu sheegay inuusan jirin xisbi ama koox la yiraahdo Aala-Sheekh oo uu isagu ka tirsan yahay, isagoo xusay inay yihiin wararkaas kuwo been ah oo aan jirin.

"Ma jiro xisbi la yiraahdo Aala-Sheekh oo aan ka tirsanahay, waan ku faanayaan inaan ahay ruux ku dhaggan diintiisa. Waxaa la isugu soo barbaariyay diinta Islaamka ee la iguma barbaarin koox," ayuu yiri Sheekh Shariif. "Waa jirtaa inaan leeyahay saaxiibbo, balse waxaan madaxweyne u ahay Soomaalida oo dhan, intana ma soo gaari lahayn haddaan u fikirayo sida ay dadka qaarkood u fikirayaan."

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladda KMG ah ay soo dhaweynayso cid walba oo kasoo goosata Al-shabaab, isagoo xusay inaysan ogolayn Al-shabaab inay wadahadal la galaan dowladda, balse ay iyaga ka go'an tahay inay soo dhaweeyaan cid walba oo dhankooda kusoo biirta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya