4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 23, 2012
Odayaal dhaqameedyo shaaciyay maanta inay ka baxeen shirka Odayaasha Dhaqanka uga socda Magaalada Muqdisho
Isniin, July 23, 2012 (HOL) — Odayaal dhaqameedyo ka qayb-galayay shirka ka socda Muqdisho ayaa sheegay maanta inay isaga baxeen shirkaas, kaddib markii ay ogaadeen inaan talo looga baahnayn, sidoo kalena aysan lahayn awood ay wax ku sixi karaan.

Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ahaa odayaasha shirka ka baxay ayaa sheegay in muddo laba bilood ah uu shirkoodu socday, lana qaadan waayay talooyin ay soo jeediyeen, taasna ay keentay inay maanta ku dhawaaqaan inay shirka ka baxeen.

"Sababaha aan shirka uga baxnay waxaa ka mid ah in dastuurka aan ku aragnay khaladaad awood aan ku saxnan aanan lahayn. waxaa nala yiri idinka wax ma sixin kartiin, taasi waxay keentay inaan sameyno guddi 15-ka xubnood ka kooban, kuwaasoo soo diyaariyay qodobbada khaladaadka ah ee ku jira dastuurka oo aan lagu aamini karin aayaha ummadda Soomaaliyeed, markii aan niri dastuurka waa in la saxana waa la diiday," ayuu yiri Maxamed Xaad.

Sidoo kale, nabaddoonku wuxuu sheegay in odayaasha laga doonayay oo keliya in laga qaato sawirro, balse aan laga doonayn wax talo iyo tusaale ah, taasina ay keentay inay shirka kusii jiri waayaan.

Dhanka kale, Maxamed Xaad oo ah guddoomiyaha odayaasha dhaqanka Muqdisho ayaa sheegay in shirka ay ka baxeen odayaashii isaga taabacsanaa oo dhan, balse ma sheegin inay shirka ku laabanayaan haddii khaladaadka ay tabanayaan la ansixiyo iyo in kale.

Caaqil Xasan Cilmi Yaxye oo isaguna ka mid ahaa odayaashii shirka ka baxay maanta ayaa sheegay in sababta ay uga baxeen ay tahay iyagoo arkay in dastuurka loosoo gudbiyay aan loogu talogelin in wax laga saxo, taasna ay keentay inay go'aansadaan inay shirka ka baxaan.

Odayaashan ku dhawaaqay inay shirka ka baxeen ayaa wuxuu hadalkoodu kusoo beegmayaa iyadoo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ay socdeen dadaallo lagu kala saarayay odayaasha oo la sheegay in qaarkood aysan jirin beelo ay metelaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya