4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 23, 2012
Shirweynihii Ansixinta Qaybo-qoraalka Dastuurka Soomaaliya oo markii saddexaad uu Maanta dib u dhac ku yimid
Isniin, July 23, 2012 (HOL) — Waxaa markii saddexaad maanta dib u dhac uu ku yimid shirkii ansixint dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya, iyadoo dib u dhaca lagu sheegay mid farsamo oo maanta la xallinayo.

Shirkan oo isugu jira ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya iyo xulista xildhibaannada cusub ee baarlamaanka ay Soomaaliya yeelanayso ayaa la sheegay inuu furmi doono maalinta Arbacada ah ee soo socota.

"Dib u dhaca shirka waxaa sabab u ah ergooyinka oo aan qaarkood soo gaarin Muqdisho, waxaase la filayaa inay maanta soo gaaraan shirkuna uu maalin kaddib furmo," ayuu yiri wasiir u dowlaha wasaaradda dastuurka iyo arrimaha federaalka, Xasan Maxamed Jaamac oo saakay la hadlay warbaahinta Soomaalida.

Wasiir u dowluhu wuxuu sheegay inaysan jirin sabab kale oo shirka uu maanta dib ugu dhacay, isagoo xusay in shirkaas uu si rasmi ah u furmi doono berri oo Salaaso ah, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay furitaanka shirka ee berri.

Odayaasha dhaqanka ayaan iyagu ka hadlin weli sababta uu shirku dib ugu dhacay, waxaana dib u dhaca shirkan uu noqonayaa kii saddexaad iyadoo lagu waday inuu furmo 12-kii bishan, balse uu dib ugu dhacay muran ku saabsan odayaasha iyo qaar ka mid ah qodobbada dastuurka oo qalad laga sheegay.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed iyo xubno wasiirro ah ayaa lagu wadaa maanta inay booqasho ku tagaan halka uu shirku ka furmayo oo ammaan ahaa aad loo adkeeyay.

Xukuumadda KMG ah ayaa waxay dadaal weyn ugu jirtaa sidii ay ku meel marin lahayd dastuurka qabyada ah, kaasoo la sheegay in wax ka bedel lagu sameyn doono tan iyo inta lagu ansixinayo afti dadweyne.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya