4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 23, 2012
Xarakada Al-shabaab oo toogasho ku dishay Saddex dhallinyaro oo ay ku eedeysay in ay la shaqeynayeen Hay'ado Sirdoon
Isniin, July 23, 2012 (HOL) — Xarakada Al-Shabaab ayaa meel fagaare ah Axadii shalay ku toogtay saddex ruux oo ka tirsanaa xoogaggeeda, kuwaasoo ay ku eedaysay inay sir-doon u ahaayeen hay’adaha muqaadaraadka dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska, sida ay soo warisay wakaalada wararka ee AP.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in raggan ay warbixino sir ah u gudbin jireen hay’adaha CIA-da iyo MI6, taasina ay horseedday in diyaaraha aan duuliyaha lahayn ay dhowr mar duqeyn ka geystaan Soomaaliya, isla markaasina ay dilaan hogaamiyaal kooxda ka tirsan.

Maxamed Jaamac, oo ka mid ah dadka deggen magaalo xeebeedka Marko oo xarun u ah gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegay in daraasiin ka tirsan xoogagga Al-Shabaab ay xir-xireen saddexdaan ruux kaddibna ay rasaas oodda uga qaadeen.

Qaaliga Al-shabab ayaa xukunka dil ah ku riday saddexda ruux, waxaana la toogtay iyadoo ay daawanayeen boqolaal shacab ah oo deggen magaalada Marka, kuwaas oo lagu qasbay inay daawadaan sida uu dilku u dhacayo, waxaana uu Maxamed Jaamac sheegay in qaar ka mid ah dadkii daawanayay dilka ay hunqaaceen.

Magacyada saddexda qof ee la dilay ayaa waxay kala ahaayeen: Isxaaq Cumar Xasan oo 22-jir ahaa, Yaasiin Cusmaan Axmed oo 23-jir ahaa labadan ayaa lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen sirdoonka Mareykanka ee CIA-da iyo Mukhtaar Ibraahim Sheekh Axmed oo 33-jir ahaa kaasoo lagu eedeeyay inuu la shaqeynayya sirdoonka Ingiriiska ee MI6.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose ee Al-shabaab, Sheekh Maxamed Abuu- Cabdalla ayaa sheegay inay raggan baarayeen muddo ka badan lix bilood ka hor inta aan lagu fulin xukunka dilka ah.

“Sadexdaan nin waxay qayb ka ahaayeen shabakad isku xiran oo jawaasiis u ah hay’adaha sirdoonka ee Biritishka iyo Amaarikaanku ay soo daadgureeyeen si ay ugu soo gudbiyaan sirta Al-shabaab,” sidaasi waxaa lagu yiri hadal lagu shaaciyay qaanad ay kooxda Al-shabaab ku leedahay barta internet-ka ee Twitter-ka.

Hadalkan ay Al-shabaab baahisay ayaa sidoo kale lagu sheegay in raggan la dilay lagu eedeeyay waxyaabo ay ka mid yihiin inay gacan ka geysteen dilkii Bilal Al-Barjaawi oo ka mid ahaa madaxda ajaanibta ah ee Al-shabaab, kaasoo lagu dilay duqeyn ka dhacday duleedka Muqdisho, kaddib markii gaari uu watay sarkaalkaas ay ku rakibeen qalab sirdoon oo fududeeyay in duqeynta lagu dilo.

Tobonnaan ruux oo haysta dhalashooyinka dalalka Mareykanka iyo Britain asal ahaanna kasoo jeeda Soomaaliya ayaa ku biiray Al-shabab si ay uga dagaalamaan Al-shabaab, waxaana saraakiisha dalalkaas ay ka walaacsan yihiin shaqsiyaadkan haysta baasaboorradooda ay dib u soo laabtaan isla markaasna ay fuliyaan weerarro argagixiso.

Maxamed Faarax Talyaani, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota