4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 22, 2012
Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay oo markii ugu Horreysay lagu qabtay Imtixaan loogu Tartamayo deeq waxbarasho
BAY1.jpg

Axad, July 22, 2012 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa markii ugu horreysay tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 22-sano ka hor waxaa maanta lagu qabtay imtixaan loogu tartamayo deeq waxbrasaho.

Deeqdan waxbarasho oo ka timid dalka Suudaan ayaa waxaa gobolka Bay garsiisay wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee DKMG ah, iyadoo ay ka qaybgaleen imtixaanka arday isugu jira rag iyo dumar.

Hormuudka Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya, Dr. Maxamed Cali Axmed (Kalaay) ayaa sheegay in 150-arday ay ka qaybgaleen imtixaanka loogu tartamayo deeqdan waxbarsaho, kuwaasoo ka qalin-jabiyay dugsiyada sare ee Baydhabo, iyadoo uu ka ahaa goobjoog imitxaankan gudoomiyaha guddiga waxbashada Gobolka Bay Dr. Cabdinuur Cali Xasan (Dr. Aroosow).

“Wax walba ha nagu qaatee waxaan diyaar u nahay inaan ka miro dhalinno inuu gobolku gaaro horumar dhinaca waxbarashada ah. Alle mahadii deeqdan waa tii ugu horreysay oo naga soo gaarta dowladda KMG ah ee Soomaaliya” ayuu yiri  Dr. Cabdinuur Aroosow.

BAY2.jpg

Guddoomiyaha degmada Baydhabo Xasan Macalin Axmed (Biikole) oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay fursadda qaaliga ee soo martay dadka ku nool degmada Baydhabo iyo gobolka oo dhan, waxayna ku timid nabad-galayada oo ah mid la isku halleyn karo.

"Waxaan ku faani karnaa inuu gobolkan leeyahay Jaamacad ayna ka qalin-jibiyeen dhowr dufcadood, dowladdana waxaan ka codsanaynaa inay deeqdan aysan noqon deeqdii ugu horreysay uguna dambeysay ee soo gaarta gobolka," ayuu yiri Xasan Biikole.

Degmada Baydhabo ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ku yaalla Koonfurta Soomaaliya ee ay ciidamada Itoobiya kala wareegeen Xarakada Al-shabaab bishii Feberaayo ee sannadkan, waxaana tan iyo xilligaas ka jiray degmadaas maamulkii dowladda KMG ah.     

BAY3.jpg
BAY4.jpg
BAY5.jpg

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya