4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 22, 2012
AMISOM oo sheegay in ciidamadooda iyo kuwa DKMG ah ay hub ka heleen Saldhig ay Al-shabaab ku lahayd Gobolka Gedo

Axad, July 22, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed ay AMISOM soo saartay maanta oo Axad ah ayay ku sheegtay in ciidamadooda ka socda dalka Kenya iyo kuwa DKMG ah ee ku sugan gobolka ay hub ka heleen saldhig ay Al-shabaab ku lahayd deegaanka Tarako ee gobolka Gedo, aroortii hore ee Salaasadii lasoo dhaafay.

AMISOM waxay sheegtay in iskahorimaad ka dhacay deegaankaas ay ku dileen afar ka mid ah xoogagga Al-shabaab, uuna howgalkoodu ahaa mid qorsheysan oo ay ku raadinayeen hubka.

"Hub aan qabannay wuxuu isugu jiray, 11 qori oo AK ah iyo 550 rasaas ah, laba qori oo baasuukayaal ah iyo 60 rasaastooda ah, 10 bambada gacanta ah iyo laba fooneeyaha lagu xiriiro ah," ayaa lagu yiri warbixinta ay AMISOM soo saartay.

Taliye ku xigeenka ciidamada AMISOM, Jen. Audace Nduwumunsi ayaa warbixinta ku sheegay in howgalkan uu ahaa mid ay AMISOM ku doonayso inay kaga hortagto kooxaha argagaxisada ah si shacabku ay nabad u helaan.

"Xilligan aadka u adag, Soomaaliya waxay isku diyaarinaysaa inay u gudbto xilli siyaasadeed oo cusub kaddib 12-sano oo xilli KMG ah lagu soo shaqeynayay, innaguna waxaan ballanqaadnay inaan ammaanka shacabka Soomaaliyeed sugno," ayuu yiri Jen. Nduwumunsi.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca Xarakada Al-shabaab oo ku saabsan howgalka ay AMISOM sheegtay inay hub kaga qabsatay Al-shabaab, sidoo kalena ay kaga dishay howgalka ka dhacay gobolka Gedo dagaalyahanno.

Tan iyo sannadkii lasoo dhaafay ciidamada AMISOM waxay guulo ka gaareen dagaallo ay la galeen Xarakada Al-shabaab, iyagoo kala wareegay deegaanno ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli lagu wado in maalmaha soo socda uu ka furmo Muqdisho shirweynaha ansixinta dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya iyo soo xulista xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya