4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 21, 2012
Maalinta Af-Soomaaliga qoran iyo London
Sabti, July 21, 2012 (HOL) — Annagoo soo dhaweyneyna bisha Ramadaan ee Barakaysan, madaxda ururrada Soomaalida ee UK iyo dhammaan dadka jecel dhaqanka, afka iyo akhriska waxaa lagu martiqaadayaa kulan-dhaqameed muhiim ah oo hordhac u ah xuska 40-guurada qoraalkii Far-Soomaalida.

Kulanka waxaa lagu soo bandhigi doonaa buugaag xiisa leh, waxaa ka hadli doona qorayaal iyo xeeldheerayaal Soomaaliyeed. Waxaa la dhageysan doonaa suugaan xiisa leh. Waxaa laga tashan doonaa xuska soo socda.

Kulanka waxaa qabanqaabiyey Naadiga PEN ee Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed oo ay is kaashanayaan Southwark Somali Advice Forum.

Taariikhda iyo madashu waa sida hoos ku qoran:

Axadda, 22 July, 2012, 2 – 4ta duhurnimo, imoow:

Peckham Library, 122 Peckham Hill Street, Peckham, London SE15 5JR.
Nearest rail station: Peckham Rye. Buses: 36, 436, 12, 171, 63, 172, 42, 343.
RAMADAN KARIIM.

(Faah-faahin dheeraad ah: ka wac Cadulqadir Jabriil 07507150919 oo ka tirsan Somali Adice Forum of Southwark ama Amina Muuse Weheliye, guddoomiye-ku-xigeenka naadiga SOMALI PEN 07772551836, ama email ugu dir Amina: [email protected] or [email protected]
Soo gelitaanku lacag ma ahan. cid kasna ha soo dhowaato.