4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 21, 2012
Kenya oo ka digtay Weerarro ay Xarakada Al-shabaab ka geysato dalkooda inta lagu jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan
Sabti, July 21, 2012 (HOL) — Al-shabaab waxay qorsheynaysaa weerarro ay ka geysato magaalada Nairobi inta lagu jiro bisha Ramadaan, kuwaasoo qorshahoodu yahay inay maanta oo Sabti ah billowdaan ayaa laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan booliiska Kenya.

Taliyaha booliiska magaalada Nairobi, Anthony Kibuchi ayaa Jimcihii shalay amar ku bixiyay in la adkeeyo ammaanka goobaha basaska laga raaco iyo dukaammada ganacsi ee ku yaalla magaaladaas.

"Al-shabaab waxay ku hanjabtay inay weerarro ka fulin doonto Kenya inta lagu jiro bisha Ramadaan. Qof walba waa inuu digtoonaado," ayuu yiri Kibuchi oo sheegay in ciidamada booliiska ay roondooyin ku sameyn doonaan waddooyinka caasimadda Kenya.

Sidoo kale, milkiilayaasha basaska ayuu ugu baaqay in taxadar dheeri ah muujiyaan;  ayna rakaabka raacaya iska hubiyaan, sidaas oo kale taliyuhu wuxuu ugu baaqay milkiilayaasha dukaammada ganacsiga iyo maqaayadaha inay iska hubiyaan dadka halkaas u tagaya inay ka adeegtaan.

Saraadda Yuhuudda ee Nairobi ayaa Khamiistii ku celisay digniin ay horay u jeedisay oo ah in qaraxyo argagaxiso oo caalami ah ay dhacayaan, iyadoo sheegtay in dalka Kenya uu ka mid yahay kuwa la bartilmaameedsanayo.

Mas'uliyiinta Kenya ayaa rumeysan in Xarakada Al-shabaab ay mas'uul ka tahay 19-qarax oo loo adeegsaday bambooyinka gacanta oo ka dhacay dalkeeda tan iyo bishii Oktoobar ee sannnadkii hore, markaasoo Kenya ay go'aansatay inay ciidammo la dagaalama Al-shabaab u dirto Soomaaliya.

Weerarrada qaraxyada ayaa afar ka mid ah waxay ka dhaceen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, inta kalena waxay ka dhaceen magaalada Mombasa iyo deegaannada ku dhow xuduudda, iyadoo qaraxyadii ugu khasaaraha badnaa uu ka dhacay toddobaadyo ka hor magaalada Gaarisa, kuwaasoo dilay 17-qof tiro 50-qof ka badanna dhaawacay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya