4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 21, 2012
Ciidamada Ammaanka Puntland oo dooni hub waday kasoo qabtay Marsada Degmada Caluula ee Gobolka Bari
Sabti, July 21, 2012 (HOL) — Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay dooni yar oo nooca kaluumaysiga ah, taasoo la sheegay inay kusoo jeeday degmada Caluula ee gobolka Bari.

Doontan oo shalay oo (Jimce) ahayd ay taliska ciidamada ilaalada dekedda Boosaaso saxaafadda u soo bandhigeen, waxaa la socdey labo nin oo midkood uu baxsaday, haseyeeshee la qabtay mid kamid ah oo ay dhalashadiisu Yemeni tahay.

Col. Maxamed Cali Xaashi oo ah taliyaha ilaalada dekedda, ayaa warbaahinta u faah faahiyey qaabkii uu howlgalka doontan lagu soo qabtay u dhacay, wuxuuna sheegay in ciidamada Puntland ee ka howlgala aagga Caluula ay si fudud ugu guleysteen sidii ay doontan gacanta ugu soo dhigi lahaayeen, kadib markii ay dadka deegaanka taageero ka heleen.

"Gaadiidka, hubka iyo ragga watey waxaa lagu qabtay marsada caluula, dalka Yemen bayna ka yimaadeen, waxaana si toos ah loogu wadey Al-qaacidada ka dirirta Puntland" Col. Maxamed  Cali Xaashi ayaa yiri.

Mar uu ka warbixinayey noocyada Hubka iyo walxaha kale ee ay doontaasi wadey waxaa Col. Xaashi hadaladiisii kamid ahaa:

"Howgalka waxa lagu soo qabtay doon nooca dheereeya ah oo ay 2 Matoor ku xiran yihiin, Baaskoolado yar yar oo casri ah oo shan xabo ah, hal jawaan oo budada qaraxa laga sameeyo ah, iyo laba jawaan oo fiilooyin iyo fiyuusyo isugu jira".

Waa markii ugu horeysey ee ay sanadkan ciidamada ammaanku soo qabtaan doon sidda hub laga keenay dalka Yemen, waxaana xusid mudan in dalka Yemen uu qayb ka yahay dalal dhowr ah oo la rumeysan yahay in Hub fara badani uu sanad walba dhankooda Soomaaliya uga soo gudbo.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya