4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 21, 2012
Abaaro ka taagan Koonfurta Soomaliya kaddib hal sano markii Qaramada Midoobay ay ku dhawaaqday Macluushii Soomaaliya

Sabti, July 21, 2012 (HOL) — Hal sano kadib markii Qaramada Midoobay ay ku dhawaaqday in laba gobol oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya ay macluuli ka dilaacday ayaa waxaa laga soo sheegayaa gobollo badan oo Koonfurta ku yaalla abaaro khatar ah, kuwaasoo ay sababeen roobabkii xilliga oo yaraaday.

Macluushaas ayaa ku dishay gobollada Koonfurta Soomaaliya oo keliya kumannaan qof oo u badan caruur, iyadoo Qaramada Midoobay ay ka digayso in mar kale ay soo laabato macluushii dhibaatada badan sababtay. 

Xiriiriyaha garaarka bani'aadamnimo Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Mark Bowden ayaa sheegay in lixdii bilood ee ugu dambeysay ay xaalado abaareedd oo khatar ah ka taagnaayeen gobollada Koonfurta Soomaaliya, loona baahan yahay in gargaar lala gaaro.

"Qiysaastii 2.5 milyan qof oo Soomaaliya ku nool ayaa u baahan gargaar aadane oo deg-deg ah, sidoo kale 1.3 milyan qof ayaa iyaguna u baahan in muddo dheer ay helaan gargaar si ay noloshooda dib ugu dhisaan," ayuu yiri Bowden.

Abaaraha sannadkan ka taagan Koonfurta Soomaaliya ayaa aad looga dayrinayaa iyadoo aysan jirin wax gargaar ah oo gaaraya dadka deegaannadaas ku nool, halka ay wararka qaarkood sheegaan in caruurtu ay billaabeen inay u dhintaan nafaqo darro ka dhalatay abaarta.

Mowliid Warfaa oo ah samafale Soomaaliyeed oo la shaqeeya hay'adda badbaada caruurta ee UNICEF ayaa sheegay inay gobollada Koonfurta ay ku sugan yihiin dad badan oo u baahan inay helaan gargaar aadane.

"Ma aanan arag dad dhintay, balse dadku horay ayay u dhinteen," ayuu yiri Warfaa oo intaas ku daray. "Nafaqo la'aantu kala bar ayay hoos uga dhacday intii hore, waxaase laga baqdin qabaa in haddii aan dadkaas lagu caawin deegaannadooda ay xalaaddu kasii dari karto."

Xiriiriyaha gargaarka aadane ee Soomaaliya, ayaa sheegay in haddii dunidu ay iska kaashato wax ka qabashada xaaladda abaareed ee Soomaaliya ku wajahan hoos loo dhigi karo.

"Waxaanu u baahannahay in beesha caalamka iyo dalalka deeqaha bixiya ay iska kaashadaan sannadkan sidii loo xaqiijin lahaa in laga hortago xaaladda abaareed ee soo food-saartay dadka Soomaaliyeed, isla markaana loo helo fursad dib loogu dhisi karo noloshooda," ayuu yiri Bowden.

Digniintan ayaa waxay imaanaysaa xilli ay dad badan sannadkii hore uga barakaceen deegaannadoodii abaaro xukun oo sababay inay beerihii bixi waayaan xooluhuna ay dhintaan, inkastoo dadkaas gargaar aadamnimo kaddib ay dib loogu celiyay deegaannadooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya