4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 21, 2012
Xaaladda Caafimaad ee Fanaanadda Saado Cali oo soo hagaageysa iyo Weriyeyaal ku Geeriyooyda shilkii shalay oo Garoowe lagu aasay
Sabti, July 21, 2012 (HOL) — Xaaladda caafimaad ee fanaanadda Soomaaliyeed ee Saado Cali Warsame ayaa soo hagaagaysa, kaddib markii ay shalay shil ku gashay inta u dhexeysa degmooyinka Gaalkacayo iyo Garoowe. Dhaawaca fanaanadda ayaa isugu jira, jab kasoo gaarey gacanta midig iyo nabaro fudud oo kaga dhacay qoorta iyo wejiga.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka ee Puntlan, Dr. Maxamed Xirsi Ducaale oo ka mid ah dhakhaatiirta la tacaaleysa xaaladda caafimaad ee Saado Cali ayaa maanta warbaahinta uga warbixiyey sida uu xiligan xaalkeedu yahay.

Wuxuuna sheegay inay aad u wanaagsan tahay, islamarkaana ay miyir qabto, xaaladeeduna aysan ahayn mid halis ah. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dadkii kale ee shilkaas ku dhaawacmay iyaguna ay wanaagsan yihiin.

"Xaaladda fanaanadu aad iyo aad bay u wanaagsan tahay, gacanna way ka jabtay, nabar yarina wejiguu ka gaarey, wayna sheekeynaysaa, iyadaana cagaheeda ku soconeysaa, waxana laga yaabaa inay dhowaan Isbitaalka ka baxdo" Dr. Maxamed Xirsi Ducaale ayaa yiri.

Dadka dhaawaca ah oo ay tiradoodu labo qof tahay, ayuu wasiirku tilmaamay inuu kamid yahay wasiir ku xigeenka maaliyadda ee Puntland Cabdi Warsame Ibraahim (Qowdhan), iyadoo sidoo kalena uu dhaawac fududi soo gaarey wadihii gaariga oo isagana lagu magacaabo Feysal Maxamed Siciid.

Dhinaca kale shilkaas waxa ku geeriyoodey labo weriye oo ka tirsanaa kuwa ka shaqeeya warbaahinta maxalliga ah ee Puntland, weriyeyaasha geeriyoodey oo midkood oo goobta shilka ku qurbaxay midka kalena uu Isbitaalka Garoowe xalay ku dhintay waxaa lagu kala magacaabi jirey Jaamac Maxamed Nuur (Jeelle) iyo Maxamed Cali Cilmi.

AHN meydka labada weriye waxaa maanta lagu aasay qabuuraha magaalada Garoowe, waxaana kasoo qayb galay mas'uuliyiin badan oo ka tirsan dowladda, in badan oo kamid ah bahda saxaafadda iyo dadweyne kale oo fara badan.

Wixii warar ah oo kasoo kordha xaaladda caafimaad ee fanaanada Soomaaliyeed Saado Cali Warsame oo shalay shil ku gashay jidka isku xira Garoowe iyo Gaalkacayo, kadib markii gaarigii ay saarneyd uu ku dhacay baabuur weyn oo nooca xamuulka qaada ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya