4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 21, 2012
Shiweynihii lagu Ansixin lahaa Qabyo-Qoraalka Dastuurka cusub ee Soomaaliya oo dib u dhac uu ku yimid mar kale

Sabti, July 21, 2012 (HOL) — Iyadoo maanta lagu waday inuu Muqdisho ka furmo shirweynaha ansixinta dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ku yimid dib u dhac, kaasoo lagu sheegay cillad farsamo oo dhinaca xulidda ergooyinka ah.

Odayaasha dhaqanka qaarkood oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in sababta uu maanta u furmi waayay kulanka ay tahay iyadoo aan weli lasoo dhameystirin ergooyinkii ansixin lahaa dastuurka, balse la filayo inuu furmo maalinta Isniinta ah.

Madaxda dowladda KMG ah oo horay u shaaciyay in shirka uu furmi doono maanta oo ay tahay 21-ka Luuliyo - ayaan ka hadlin sababta uu dib ugu dhacay, inkastoo ay toddobaadkii hore madaxda dowladdu ka digeen inuu shirku dib u dhaco.

"Dib u dhaca ma keenin khilaaf, balse waa arrin farsamo, maalinta Isniinta ah ayaa la filayaa inuu shirku furmo," ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka oo la hadlay saxaafadda, isagoo intaas ku daray in la dhameystirayo maanta iyo berri ergooyinka.

Shirkan oo lagu waday inuu furmo 12-kii bishan ayaa khilaaf awgiis u baaqday, kaas oo la sheegay in la xalliyay, waxaana dib u dhacan labaad uu dhabar jab ku noqon karaa dhameystirka howlaha u harsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo xilligeedu uu u ku eg-yahay bisha Ogoosto ee soo socota.

Xukuumadda KMG ah ayaan ka hadlin baaqashada shirkan uu baaqanayo markii labaad, waxaana baaqashada ay kusoo beegmaysaa iyadoo xalay ay ciidamada DKMG ah ka sameeyeen Muqdisho howlgallo lagu adkeynayay ammaanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya