4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 21, 2012
Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya oo howlgallo ka sameeyay Muqdisho iyo dhac loo geystay Dukaanno ganacsi

Sabti, July 21, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa xalay howgallo lagu sugayay ammaanka ka sameeyay Muqdisho, iyadoo sidoo kale ay isla xalay kooxo ku labisan dharka ciidamada oo wata gaadiid dagaal ay dhac u geysteen dukaammo ganacsi oo ku yaalla xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa.

Tailyaha ciidamada nabadsugidda gobolka Banaadir, Col. Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in howgalladii xalay ay kusoo qabqabteen gaadiid hub siday iyo xubno ay uga shakisan yihiin inay xiriir la leeyihiin Xarakada Al-shabaab.

"Howlgalladii xalay oo ay iska kaashanayeen ciidamada nabadsugidda, milateriga iyo booliiska Soomaaliya ayaa waxaa laga sameeyay 52 isgoys oo ku yaalla Muqdisho, waxaana suurogashay in la qabto gaadiid hub siday iyo rag xiriir la lahaa Al-shabaab," ayuu yiri Col. Ereg.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay in howgalladan ay ahaayeen kuwo lagu sugayo ammaanka Muqdisho, inkastoo uusan sheegin muddada ay soconayaan, iyadoo lagu soo beegan howgalladan xilli la filayo inuu Muqdisho ka furmo shirweynaha ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya.

Dhanka kale, kooxo ku labisan dharka ciidamada dowladda KMG ah oo wata gaadiid dagaal ayaa xalay fiidkii dhac u geystay dukaammo ganacsi oo ku yaalla Xaafadda Suuqa xoolaha oo ka tirsan degmada Huriwaa, sida ay ganacsatadii dukaammadaas lahayd u sheegeen saxaafadda.

"Kooxihii dhaca noo geystay waxay xirnaayeen direyska ciidamada dowladda KMG ah, waxayna naga qaateen lacago iyo taleefoonnada gacanta," ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatadii dukaamada la dhacay lahaa oo magaciisa kusoo koobay Axmed.

Ugu dambeyn, ganacsaduhu wuxuu sheegay in dhaca loo geysto uu noqday mid soo laalaabtay, ayna dhowr jeer u dacwoodeen saraakiisha ciidamada balse waxba laga qaban waayay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya