3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 20, 2012
Xiisado u dhexeeya ciidamada DKMG ah, kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo ka taagan Gobolka Gedo

Jimco, July 20, 2012 (HOL) — Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in xiisado colaadeed oo u dhexeeya ciidamada DKMG ah, kuwa Kenya oo ka tirsan AMISOM iyo Al-shabaab ay ka aagan yihiin deegaanno u dhexeeya Buur-dhuubo iyo Baardheere oo ah degmooyinka ay Al-shabaab kaga sugan tahay gobolkaas.

Goobjoogayaal ku sugna degmada Buurdhuubo ayaa sheegaya in xoogagga Al-shabaab ee ku sugan degmadaas ay billaabeen dhaqdhaqaaqyo ciidan kuwaasoo ay ku doonayaan inay ku difaacdaan degmada.

Xaaladda degmada Baardheere oo maalmihii lasoo dhaafay ay hareeraheeda ka dhaceen iskahorimaadyo culus oo u dhexeeya ciidamada DKMG ah oo gacan ka helaya kuwa Kenya iyo Al-shabaab ayaa deggen, inkastoo ay weli ciidamadu isku horfadhiyaan goobihii ay ku dagaalameen.

Inkastoo Xarakada Al-shabaab aysan ka hadlin dhaqdhaqaaqyadan ciidan ee socda ayaa haddana wararka la helayo waxay sheegayaan in ciidamada DKMG ah iyo kuwa Kenya ay xireen jid isku xira degmooyinka Baardheere iyo Buur-dhuubo kaasoo ay marin ahaan u isticmaali jireen xoogagga Al-shabaab.

Dhanka kale, wararka laga helayo degmada Buurhabaka ayaa waxay sheegayaan in xoogaggii Al-shabaab ee ku sugnaa degmadaas ay isaga baxeen, kaddib markii ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladdu u dhaqaaqeen dhinaca degmadaas oo ay markii horeba ku dhawaayeen.

Ciidamada Kenya oo ka mid noqday AMISOM iyo kuwa Itoobiya oo labadaba gacan ku siinaya dowladda KMG ah sidii ay u qabsan lahayd gobollada iyo deegaannada ay ka taliso Xarakada Al-shabaab ee ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa weli waxay ka talisaa dhul ballaaran, inkastoo uu culeys milateri oo xooggan saaran yahay hadda, waxaana dhawaan saraakiisha Jubbooyinka ee Al-shabaab ay sheegeen inay difaacan doonaan degmada Kismaayo oo la aamisan yahay inay ka helaan dhaqaalaha ay ku dagaalamaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
7/20/2012 1:31 PM EST
Jimco, July 20, 2012(HOL): Warar kala duwan ayaa galabta casir-liiqii ka soo baxay shil gaari oo ay fanaanadda Saado Cali Warsame ku gashay inta u dhaxeysa Kala-beyr iyo Burtinle, iyadoo ku sii jeeday Magaalada Garowe.

7/20/2012 9:10 AM EST
Jimco, July 20, 2012 (HOL) — Abaanduulihii Ciidamadda Milatariga Somaliland Col:Cabdilaahi Xaaji Jaamac (Calas), ayaa sheegay inuu xilkii uu ciidanka ka hayey iska casilay.

7/20/2012 9:06 AM EST
Jimco, July 20, 2012 (HOL) — Iyadoo inta badan maanta gobollada bartamaha iyo koonfurta dalka Soomaaliya ay u tahay maalin Ramadaan oo ay dadka ku dhaqan Sooman yihiin, ayaa haddana dhinaca kale marka aad eegto waxaan maanta laga Soomin deegaanno badan oo ka tirsan maamulada Ahlu Sunna Waljameeca iyo Galmudug.

7/20/2012 4:46 AM EST
Jimco, July 20, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shacabka Somaliland iyo guud ahaan islaamka ugu hambalyeeyey bisha barakaysan ee Ramadaan oo maanta kowsatay, waxaanu ilaahay uga baryey inuu sanadkan sanadkiisa kale ku gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo.

7/20/2012 4:37 AM EST
Jimco, July 20, 2012 (HOL) — Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay inuu ka qaybgalayo doorashada madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya oo dhici doona bisha Ogoosto ee soo socota, isagoo sidoo kale iska fogeeyay eedeymihii ay u soo jeediyeen guddiga baarista Qaramada Midoobay.

7/20/2012 4:34 AM EST
Jimco, July 20, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi ayaa looga daweynayaa isbitaal ku yaalla dalka Belgium xanuunka kansarka oo maskaxda kaga dhacay, iyadoo afhayeenka xukuumadda Addis Ababa uu beeniyay in xaaladdiisu ay tahay mid khatar ah.