4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 20, 2012
Ra'iisul Waasaraha Itoobiya oo Isbitaal ku yaalla Belgium looga daweynayo cudurka Kansarka oo kaga dhacay Maskaxda


|Jimco, July 20, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi ayaa looga daweynayaa isbitaal ku yaalla dalka Belgium xanuunka kansarka oo maskaxda kaga dhacay, iyadoo afhayeenka xukuumadda Addis Ababa uu beeniyay in xaaladdiisu ay tahay mid khatar ah.

Inkastoo afhayeenka Itoobiya, Bereket Simon uusan sheegin xanuunka Zenawi laga daweynayo, haddana wuxuu sheegay inuu dalka dibaddiisa u jiro arrimo caafimaad uu isagu weli xukunka dalka hayo.

"Xukuumadda waxaa weli hoggaaminaya ra'iisul wasaaraha, xaaladdiisuna waa mid aad u wanaagsan, wararka sheegaya inuu xanuun daran hayana waa been aanay waxba ka jirin," ayuu yiri Simon oo wariyeyaasha kula hadlayay Addis Ababa shalay oo Khamiis ahayd.

Sidoo kale, warsaxaafadeed kasoo baxay xukuumadda ayaa lagu sheegay inuu Zenawi ku maqan yahay daweyn, balse laguma sheegin xilliga uu dib ugu soo laabanayo shaqadiisa.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya oo 57-jir ah ayaa ku guuleysatay doorashooyinkii ka dhacay Itoobiya sannadkii 2010, isagoo xilka haynaya int laga gaarayo 2015-ka waana ra'iisul wasaare awood badan.

Zenawi ayaan ka qaybgalin shirkii madaxda Midowga Afrika ee dhacay toddobadkii hore, taasoo noqonaysa markii ugu horreysay oo uu ka baaqdo shir Midowga Afrika uu leeyahay tan iyo markii uu xukunka dalkaas la wareegay sannadkii 1991-kii.

Dalka Itoobiya ayaa waxay ciidammo fara badan oo caawinaya kuwa dowladda KMG ah kaga sugan yihiin Soomaaliya, kuwaasoo dagaallo kula jira xoogagga Al-shabaab si dowladda Soomaaliya ay awooddeeda ugu baahiso dalka oo dhan markii ugu horreysay tan iyo markii la dhisay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya