4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 2 , 2012
Siminaar looga hadlayay Kaalinta Haweenku ka qaadan karaan Horumarinta Nabadda oo lagu qabtay Muqdisho


Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Siminnaarkan oo ay ka qaybagleen 150 haween ah ayaa waxaa soo qaban-qaabisay hay'adda Midowga Dhallinyarada Soomaaliya UYS iyadoo xubnaha ka qaybgalay ay ku jireen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda DKMG ah.

Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir, Marwo Jawaahir Baarqab kana mid ah haweenka qurba-joogta ah ayaa ka hadashay heerarkii kala duwanaa ee ay soo mareen haweenka, waxayna sheegtay in haweenka mar kasta ay ragga uga dadaal badan yihiin u damqashada dhallinyarada.

"Waa haweenka kuwa maanta u taagan badbaadinta dalka iyo dadka," ayay tiri Jawaahir Baarqab oo intaas ku dartay in horumarka maanta dalka ka jira iyo guulaha la gaaray ay haweenku kaalin weyn ku leeyihiin.

Xaawo Maxamuud Cali (Xaawo Kiin) oo ka mid ah guddiga haweenka UYS ayaa ka dhawaajisay in qaabka ugu habboon ee lagu wacyi-gelin karo haweenka ku sugan goobaha ay Al-shabaab maamulaan uu yahay farriimaha la isku diro, waxayna soo jeedisay in haweenka goobahaas ku sugan loo furo siminaarro lagu wacyi-gelinayo si ay uga qayb-qaataan inaan haweenka la marin habaabin.




Sidoo kale, Raxmo Daahir oo UYS ka tirsan ayaa iyadana ka hadashay sidii dallad ay ku mideysan yihiin loogu sameyn karo haweenka Soomaaliyeed, waxayna tilmaantay in haweenka iyagoo kaashanaya wasaaradda haweenka ama madax-bannaan ay sameyn karaan dallad mideysa, waxayna ku boorrisay haweenka inay ka fogaadaan qabyaaladda.

Dhanka kale, Cafoon Wehliye Siyaad oo iyadana hadashay siminaarka ayaa xustay in hooyada ay door muhiim ah ku leedahay wacyi-gelinta nabadda; iyadoo si cad u sheegtay in haddii aanay haweenku ka qaadan door muuqda aan nabad la helayn.



Mudadii uu socday siminaarka ayaa waxaa khudbadihii la jeedinayay dhextaal u ahaa heeso iyo suugaan lagu maamuusayay 1-da Luuliyo oo ku beegan sanad-guuradii 52-aad ee ka soo wareegatay xornimada gobolada Koonfurta iyo midowgii Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha degmada Wardhiigley Deeqo C/qaadir Axmed ayaa jeedisay khudbaddii xiraanka ahayd iyadoo haweenka ku guubaabisay in wixii ay ka kororsadeen siminnaarka ay u gudbiyaan haweenka kale ee aan nasiibka u yeelan inay siminnaarkan ka qaybgalaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya