4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 2 , 2012
Musharax C/raxmaan C/shakuur: "Wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland waa ka weyn yihiin in Olole doorasho loo isticmaalo"

xaflada 3.jpg

Isniin, July 02, 2012 (HOL) — C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah xubnaha u tagaan xilka madaxnimo ee Soomaaliya oo shalay ka qaybgalayay xaflad loo qabtay xuska 1-da Luuliyo ayaa sheegay in wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ay ka weyn yihiin olole loo isticmaalo doorasho.

Xafladda oo uu soo qabanqaabiyay ururka dhalinyarada Xoriyo ayna ka qaybgaleen siyaasiyiin, xildhibaanno, odayaal-dhaqameed, saraakiil ciidan, haween iyo qaar ka mid ah fannaaniinta hobolada Waaberi ayaa waxaa xubnihii ka hadlay ka mid madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeen, Maxamad Aadan Tiiceey, Jen. Cabdi Qaybdiid, Jen Caare, Jen. Yuusuf Indhacade, xildhibanno iyo mas'uuliyiin kale oo fara badan.

"Wadahadallada u billowday Soomaaliya iyo Somaliland waan soo dhaweynayaa, waxaana walaalaha Somaliland ku ammaanayaa sidii naf-hnimada iyo niyad-samida lahayd ee sannadkii 1960-kii ay ugu soo biireen walaalahooda Koonfureed iyagoo aan wax shuruud ah ku xirin, taas bedelkeedana loo baahan yahay in iyagana loo tago, balse waxaan ka digayaa in wadahadalka uu noqdo mid qudbo-siro ah oo dad uu waqtigoodii ka haray 50-maalmoo ay u isticmaalaan olole doorasho," ayuu yiri murashaxa madaxweynenimo ee Soomaaliya, C/raxmaan C/sharkuur.

xaflada 1.jpg

Sidoo kale, murashaxu wuxuu u duceeyay dadkii xoriyada u soo halgalay, isagoo ku tilmaamay in geesiyaashaas ay haysataan raasumaal bulsho, taasoo murashaxu uu ku tilmaamay; kalsooni, wax-isku-hurid, isku-turida, dulqaad, tix-gelin, isku-dhimrin iyo is aaminaad. Isagoo intaas ku daray in markii raasumaalka bulshada uu baaba'ay ay ka dhasheen in xusuustii wadaagga ahayd luntay, dareenkii halista ee wadaagga ahaana lagu kala aragti duwanaado, himiladii ummadeedna ay lunto, isagoo sheegay in loo baahan yahay hoggaan hiigsi qaran abuura, hawl hal-beeg leh iyo qorshe cad.

Musharaxa ayaa ku dheeraaday taariikhda Somalia iyo sidii ciidanka Soomaaliyeed uu u ahaa mid sharaf, hufaan iyo karti leh oo ka madaxbannaan siyaasadda. Isagoo

madaxda DKMG ah ku eedeeyay inay u isticmaalaan awoodda dalka qaab maroorsi ah, sidoo kalena ay iyagu isku koobeen warbaahinta qaranka, taasoo uu sheegay in aanay ogoleyn inuu ka baxo fikir aan kooda ahayn, isagoo sheegay in warbaahinta Qaranka lagu dhisay canshuurta shacabka Soomaaliyeed ayna waajib tahay in loo sinnaado isticmaalkeeda.

Waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in hay'adaha nabad-sugidda ay dalal shisheeye ku tiirsan yihiin iyadoo aysan jirin miisaaniyad loo qoondeeyay, isagoo madaxda DKMG ah ku eedeeyay inay maalin walba diyaarad ku kireystaan tobanaan kun oo doollar, askarta difaaca uga jirta gobollada dalkana aysan helin xuquuqdooda ayna iyaga iyo caruurtoodu baahan yihiin.

"Odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ku shirsan waxaan ka codsanayaa inay xubno wax-tar leh soo xulaan, waayo innaga nalooma ogola inaan idiin imaanno," ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo sheegay in odayaasha ay ka dalbanayaan inay u yimaadaan markii ay casuumaad u fidiyaan.

Sidoo kale, murashaxu wuxuu madaxweynaha DKMG ah ugu baaqay inuu sameysto la taliyeyaal khibrad leh mar haddii uusan jirin qof wax-kasta yaqaanaa, isagoo u soo qaatay tusaale Nebi Muuse (CS) oo ilaahay weydiistay in walaalkiis uu caawiye uga dhigo, markii sababta la weydiiyayna ku jawaabay: "Waa iga fasaaxad badan yahay, kaddibna Alle uu codsigiisa aqbalay."

Madaxweynaha Ximan iyo Xeeb oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadaal-dheeri ah la sameeyo oo xaaladda wax laga bedelo si ay macno u yeelato 1-da Luuliyo oo ah maalinta xorriyadda Soomaaliya, isagoo dhinaca kale sheegay inuu taageersan yahay musharaxnimada C/raxmaan C/shakuur oo uu ku tilmaamay nin leh karti iyo aqoon uu ku gudan karo howsha uu u istaagay.

Jen. Cabdi Qaybdiid oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhallinyaradu ay u istaagaan dib u dhiska dalkooda iyo soo noolaynta Qarankii Soomaaliyeed, isagoo u rajeeyay murashaxa guul.

xaflada 2.jpg
xaflada 4.jpg
xaflada 6.jpg
xaflada 5.jpg

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya