4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 19, 2012
Shirweyne ay isugu yimaadeen haween ka kala yimid Puntland, gobollada dhexe iyo Itoobiya oo Garoowe ka furmay [SAWIRRO]


Khamiis, July 19, 2012(HOL): Magaala madaxda Puntland ee Garoowe waxaa maanta ka furmay shir-weyne ay isugu yimaadeen haween ka kala yimid 8-da gobol ee Puntland iyo deegaanada ay ka arimiyaan maamullada Ximin iyo Xeeb, Gal-mudug, gobolka Hiiraan, dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya iyo hablo metelaya jaaliyadaha Soomaalida ee qurbaha ku nool.

Shirkan oo cinwaan looga dhigay “shir-weynaha wada tashiga haweenka Soomaaliyeed” waxaa soo qaban qaabisay wasaarada haweenka iyo horumarinta arimaha qoyska ee Puntland, waxaana munaasabadii lagu daah furayey kasoo qayb galay madaxda ugu sareysa dowladda Puntland.

Wasiiradda haweenka iyo horumarinta arimaha qoyska ee Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye oo ugu horeyn madasha shirku uu ka furmay ka hadashay ayaa faah faahisay ujeedooyinka shirka, dadka ka qayb gelaya iyo sababta xiligan kusoo beegtay.

Caasho Geelle ayaa xustay in ujeedooyinka shirka ay ugu weyn tahay sidii ay haweenka Soomaaliyeed wax isaga oran lahaayeen tiradii horay loo qoondeeyey inay ku yeelan doonaan dowlada cusub ee soo dhalan doonta taas oo ahayd 30%.


Wasiir Caasho waxa kale oo ay sheegtay in inta uu shirkani socdo ay haweenku ka arinsanayaan marxalada uu xiligan dalku ku jiro iyo geedi socodka la rabo in kumeel gaarnimada looga guuro, iyadoo ugu danbeyntii u mahad celisey madaxweynaha Puntalnd Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), kuna tilmaantay inuu yahay saaxiibka haweenka.

“Madaxweynaha waxan ugu yeeranay, waxan ognahay in uu mar walba yahay saaxiibka haweenka, hadii ay ahaan lahayd markaan codeyn u baahano iyo hadii ay ahaan lahayd markaan dhiiri gelin u baahanaba” wasiirada haweenka Puntland ayaa tiri.

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxmed Maxamuud (Faroole) oo isagu shirkaas si rasmi ah u furay ayaa ku dheeraaday kaalinta ay haweenku ka qaataan horumarka bulshada iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in ay kusoo biiraan dadaalada la rabo in dalka dib loogu dhiso.

Dr. Faroole waxa kale oo uu haweenka ku booriyey inay xil iska saaraan sidii mujtamac wanaagsan oo dhan walba ka dhisan loo heli lahaa, isagoo si gaar ah gabdhaha da’da yar ee waxbarashada ku jira ugula dardaarmay in aysan guurka ku deg degin.

Shirkan ayaa noqonaya kii 2-aad ee noociisa ah ee magaalada Garoowe ka dhaca, bilowgii bishii Jen ee sanadkan ayeyna ahayd markii Garoowe lagu qabtay shir-weyne ay isugu yimaadeen haween boqolaal gaaraya, kuwaas oo ka kala yimid deegaanada afka Soomaaliga logoa hadlo ee geeska Africa, Yurub iyo Maraykanka.



Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Somalia