4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 19, 2012
Sheekh Shariif oo beeniyay in xukuumadii Farmaajo ay lacago lunsatay
Khamiis, July 19, 2012 (HOL) - Madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya in lacag gaaraysa 3.5 milyan oo lagu qoray warbixintii qaramada midoobay ay ku maqantahay xukuumadii ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Madaxweynaha oo shalay ka hadlayay xaflad wayn oo ka dhacday magaalada Muqdisho, uuna dib isugu sharraxayay jagada madaxweynenimo ayuu sheegay in lacagta lagu eedaynayo xukuumadii Farmaajo ay tahay mid laga warqabo meesha ay ku baxday.

Sheekh Shariif ayaa ku tilmaamay in lacagtaasi ay tahay mid adeegyo kala duwan loogu fidiyay shacabka Soomaaliyeed ayna warbixinta gudiga qaramada midoobay tahay mid aan sal lahayn.

Hadalka madaxweynaha ayaa ka hor imaanaya waraysi uu gudiga qaramada midoobay siiyay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaas oo lacag gaaraysa 3.5 milyan kuu eedeeyay inay ku maqantahay xukuumadii Farmaajo.

Waxaana hadalka madaxweynuhu uu imaanaya xilli uu cadaadis soo food saaray masuuliyiinta ugu sarreysa qaranka oo gudi qaramada midoobay ka socda oo baarayay musuqmaasuqa Soomaaliya ay ku eedeeyeen in madaxda sare ay hormuud ka yihiin isdaba-marinta iyo musuqmaasuqa ka taagan waddanka.

Balse dawlada  ayaa ka hortimid warbixinta gudigaas, waxayna ku tilmaameen inay tahay mid lagu burburinayo hannaanka dawladnimo ee Soomaaliya.

Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya