Khamiis, July 19, 2012 (HOL) — Wasiirka diinta iyo owqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa maanta kulan kula yeeshay xafiiskiisa culimadda iyo imaamyadda masaajidada magaaladda Hargeysa, isagoo usoo jeediyey in la mideeyo wakhtiyadda salaadda, maadaama oo bishii barakaysnayd ee Ramadaanta la galayo.
Sheikh KHaliil Cabdilaahi iyo culimadda ayaa isla gartay qodobo ku haboon wakhtiyadda la eedaamayo iyo mideynta eedaanka si aanay dadku ugu jahawareerin, maadaama oo masaajidaddu isku dhow yihiin
“ in eedaanka salaadda subax ee hore iyo xilliga salaaddu joogto la kala gartaa, in labadda eedaan ee salaadda subax ay u dhexeyso afartan daqiiqo, in salaadaha dhamaan eedaankooda iyo aqiimiskoodda ay u dhexeyso labaatan daqiiqo haddii ay ku yaallaan xaafaddo dhexdood, haddii ay suuq tahayna ay u dhexeysa wakhti 15 daqiiqo ah,”ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo la hadlayey imaamyadda masaajidadka iyo culimadda.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ayaa sheegay in loo diyaar garoowo bisha barakaysan ee ramadaan, isla markaana sheegay in fursad qaali ah oo sanadkiiba mar u timaadda dadka muslimiinta ah, waxaanu ku booriyey in loo guto sida diintu tilmaamayso, lagana ilaaliyo wixii dhaawac u keenay soonka iyo dadka soomanba.
Wasiirku waxa kale, oo uu digniin adag usoo jeediyey dadka bisha Ramadaan isku daya inay ka baayac mushtareeyaan cuntooyinka oo si dhuumasho ah uga iibiya dadka aan soomin, kuwaas oo uu sheegay in ay la kulmi doonaan ciqaab adag, isla markaana aan lagu arki Karin wax cunto ah oo lagu kariyo suuqa oo si qarsoodi ah looga iibiyo dadka u bartan in aanay soomin.
Ciidamadda booliska iyo guddidda wanaagfarista Somaliland oo iskaashanaya ayaa bisha Barakaysan dabagalla dadka caadaystay inay bishan Ramadaan iibiyo cuntooyin si ay macaash uga helaan, kuwaas oo meelaha dooxyadda iyo meelaha kharsoon ka raadiya oo inta badan kula dhuuntaan, isla markaana xabsiga u taxaaba qofkii lagu arko isagoo iibinaya iyo isago cunayaba.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo imaamyadda masaajidada ka codsaday in la mideeyo wakhtiyadda Salaadda
More News
- Youtube: Warbixin Cabdi Bile Cabdi oo London Lagu soo dhaweeyey : Baafo
- Shirweyne ay isugu yimaadeen haween ka kala yimid Puntland, gobollada dhexe iyo Itoobiya oo Garoowe ka furmay [SAWIRRO]
- Rugta ganacsiga iyo wershedaha ee Puntland oo dhistay dallad ay ku mideysan yihiin shirkadaha xoolaha dhoofiya [SAWIRRO]
- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda KMG oo dil toogasho ah ku fulisay afar Askari oo gacan ku dhiiglayaal ahaa
- Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka oo la kulmay Odyaasha Dhaqanka
- Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ku laabtay Magaalada Baladweyne kana warbixiyay safarro uu ku maqnaa
- Sheekh Shariif oo beeniyay in xukuumadii Farmaajo ay lacago lunsatay
- YAASIIN MAAXI: “Waxaan wax ku doonayaa Sinnaan iyo Soomaalinimo, wax intaas ka hooseeyana wax kuma doonayo” (SAWIRRO)
- Xiriiriyaha gargaarka bani'aadamnimo ee Somalia oo sheegay in Malaayiin qof ay weli u baahan yihiin Mucaawino
- Kulan looga hadlayay sidii ay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed u wada-shaqeyn lahaayeen oo Muqdisho lagu qabtay
- Shan qof oo ku dhaawacmay Qaraxyo xalay ka dhacay Degmada Wajeer oo ku dhow Soohdinta Soomaliya iyo Kenya
- Haweenka kulan ku yeeshay Muqdisho oo Dowladda iyo Odayaasha ugu baaqay inay Tixgeliyaan Saamiga Haweenka
- Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Warbixinta Guddiga Baarista ee Qaramada Midoobay ay kasoo horjeeddo nabadda Soomaaliya