Khamiis, July 19, 2012 (HOL) — Xiriiriyaha gargaarka bani'aadamnimo Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Mark Bowden oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in weli ay malaayiin qof oo Soomaaliyeed ay u baahan yihiin gargaar deg-deg ah.
Mark Bowden, wuxuu sheegay in dad badan oo ka barakacaya gobollada Bay iyo Bakool ay gaarayaan dalalka dariska la ah Soomaaliya, isagoo sheegay in caalamka looga baahan yahay inay gacan ka geystaan sidii dadkaas lagu caawin lahaa.
"Dad gaaraya 2.5 milyan qof ayaa weli u baahan gargaar bani'aadamnimo, waxaan kaloo ognahay in 1.9 milyan qof oo kalena ay u baahan yihiin in laga kaalmeeyo wax soo saarka si ay noloshooda u maareeyaan, haddii aysan taasi dhicinna ay dib ugu noqonayaan xaaladihii foosha xumayd," ayuu yiri Mark Bowden.
Sidoo kale, xiriiriyaha gargaarka bani'aadamnimo ee Soomaaliya wuxuu sheeagay in loo baahan yahay 576 milyan oo doollar si loo sii wado caawinta dadka gargaarka u baahan ee ku barakacsan gudaha dalka Soomaaliya.
Bowden wuxuu sheegay inaysa baahida gargaar ee Soomaaliya dhammaanay haddii aan si wadajir ah wax looga qaban, isagoo dalal ay Turkiga ka mid tahay ka dalbay inay sii wadaan kaalmooyinka ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed.
"Xaaladda ka jirta Soomaaliya weli waa mid adag, balse waxay u baahan tahay in lala sacdo," ayuu yiri Bowden oo sheegay inay socdaan qorshayaal lagu caawinayo dadka u baahan inay gargaarka aadamnimo.
Dhanka kale, sarkaal ka tirsan hay'adda UNOCHA oo isaguna shirkaas jaraa'id hadal ka jeediyay ayaa sheegay inay jiro arrin ay walaac ka qabaan oo ah in horjoogayaasha kaamamka ay horjoogsadaan in gargaarku uu gaaro dadkii loogu talogalay.
"Runtii waa mid walaaceeda leh - horjoogayaasha kaamamka ku yaalla Muqdisho oo horjoogsada in dadka tabaaleysan uu gaaro gargaarka loogu talogalay," ayuu yiri sarkaal kale oo OCHA ka tirsan, isagoo sheegay inay tegi doonaan kaamamka ku yaalla magaalada Muqdisho, maadaama ay xaaladda ammaan tahay mid caadi kusoo laabatay.
Hadalka saraakiisha UNOCHA ayaa wuxuu imaanayaa xilli la sheegay inay cunno-yari ba'an ka jirto gobollada Koonfurta Soomaaliya, taasoo laga baqdin qabo inay mar kale sababto in dadku ay deegaannadooda ka barakacaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Xiriiriyaha gargaarka bani'aadamnimo ee Somalia oo sheegay in Malaayiin qof ay weli u baahan yihiin Mucaawino
More News
- Youtube: Warbixin Cabdi Bile Cabdi oo London Lagu soo dhaweeyey : Baafo
- Shirweyne ay isugu yimaadeen haween ka kala yimid Puntland, gobollada dhexe iyo Itoobiya oo Garoowe ka furmay [SAWIRRO]
- Rugta ganacsiga iyo wershedaha ee Puntland oo dhistay dallad ay ku mideysan yihiin shirkadaha xoolaha dhoofiya [SAWIRRO]
- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda KMG oo dil toogasho ah ku fulisay afar Askari oo gacan ku dhiiglayaal ahaa
- Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka oo la kulmay Odyaasha Dhaqanka
- Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ku laabtay Magaalada Baladweyne kana warbixiyay safarro uu ku maqnaa
- Sheekh Shariif oo beeniyay in xukuumadii Farmaajo ay lacago lunsatay
- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo imaamyadda masaajidada ka codsaday in la mideeyo wakhtiyadda Salaadda
- YAASIIN MAAXI: “Waxaan wax ku doonayaa Sinnaan iyo Soomaalinimo, wax intaas ka hooseeyana wax kuma doonayo” (SAWIRRO)
- Kulan looga hadlayay sidii ay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed u wada-shaqeyn lahaayeen oo Muqdisho lagu qabtay
- Shan qof oo ku dhaawacmay Qaraxyo xalay ka dhacay Degmada Wajeer oo ku dhow Soohdinta Soomaliya iyo Kenya
- Haweenka kulan ku yeeshay Muqdisho oo Dowladda iyo Odayaasha ugu baaqay inay Tixgeliyaan Saamiga Haweenka
- Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Warbixinta Guddiga Baarista ee Qaramada Midoobay ay kasoo horjeeddo nabadda Soomaaliya