4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 19, 2012
Kulan looga hadlayay sidii ay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed u wada-shaqeyn lahaayeen oo Muqdisho lagu qabtay

Khamiis, July 19, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay kulan ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kaasoo  ay soo qaban-qaabisay hay'adda CCD loogana hadlayay qaabkii ay odayaashu iskula shaqeyn lahaayeen.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay xildhibaanno, culummaa'uddiin iyo waxgarad kale oo ka socday qaybaha bulshada, waxaana kulankan hadallo ka jeediyay xubnihii ka qaybgalay.

"Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed si ay u xoojiyaan wada-shaqeynta dhexdooda ah waa inay marka hore sameystaan xarun ay ku kulmaan," ayuu Imaam Maxamed Yuusuf ka sheegay kulanka, isagoo odayaasha dhaqanka ugu baaqay inay xoojiyaan midnimadooda.

Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah xubnihii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in talada dalka ay maanta gacanta ugu jirto odayaasha dhaqanka, sidaas darteed waxaa looga baahan yahay inay soo xulaan xubno aqoonyahanno ah oo dhammeyn kara mashaakilka ka taagan Soomaaliya si dowlad rasmi ah loo helo.


Dhinaca kale, Sheekh Axmed Abuukar Gaabow oo isaguna halkaas hadal dheer ka jeediyay ayaa sheegay in maanta ay wax wanaagsan tahay in odayaasha dhaqanka la weydiiyo ayaaha dalka, isagoona tilmaamay in doorka odayaashu uu yahay mid soo-jireen ah oo aanay maanta oo kaliya ugu horreynin, isagoona xusay in odayaal fara badan ay u geeriyoodeen iyagoo ka talinaya samaha iyo in nabad lagu wada noolaado.

"Odayaasha Soomaaliyeed waa inay is-cafiyaan marka hore isla markaana ay iska iloobaan xurgufaha yar-yar; ayna dib uga heshiiyaan wixii dhexmaray," ayuu yiri Sheekh Axmed Gaabow.

Nabadoon Cabdullaahi Sayid Cali oo ah afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha Banaadiriga ayaa kula taliyay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed marka hore inay midoobaan, isagoo tilmaamay in arrin kasta oo bulshada dhexdeeda ka dhacda laga doonayo inay xalliyaan, maanta looga fadhiyo doorkaas inay ka soo dhalaalaan.


Sheekh Maxaadey Maxamuud Jilacow oo halkaasi khudbad ka jeediyay kulanka ayaa ku boorriyay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed bacdamaa aayaha ummaddan ay iyagu maamulayaan inay soo xulaan shaqsiyaad karti iyo aqoon u leh darajada loo magacaabayo.

"Dastuur waa wax lagu heshiiyo, balse dastuurku waa inuu ku saleysnaadaa diinta Islaamka," ayuu yiri Sheekh Maxaadeey oo sheegay in dunida lagu hoggaamiyo cilmi, sidaas darteedna wax kasta oo la sameynayo waa inay hoggaan u noqdaan kuwa caqliga u saaxibka u ah.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya