Khamiis, July 19, 2012 (HOL) — Shan qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen laba qarax oo xalay ka dhacay degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya oo ku dhow soohdinta ay labada dal wadaagaan.
Dalka Kenya ayaa waxaa tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii hore ka dhacayay qaraxyo geystay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dowladda Kenya ay mas'uuliyadda qaraxyadaas dusha ka saarto Xarakada Al-shabaab.
"Waxaan maqlay laba qarax oo ka dhacay goob ay dad badan ku sugnaayeen," ayuu yiri Ibaahim oo kas mid ah dadka daggan degmada, isagoo sheegay inuu arkay dhaawacyada shan qof oo ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa.
Madaxa caafimaadka gobolka waqooyi-bari, C/qaadir Sheekh ayaa isaguna sheegay mar uu saxaafadda la hadlayay in shanta qof ee ku dhaawacmay weerarada bam lagu daweynayo isbitaalka weyn ee degmada.
"Cid ku dhimatay qaraxyada ma jirto, keliya waxaan haynaa dhaawacyo, waxaana dhacay laba qarax," ayuu yiri C/qaadir Sheekh. Iyadoo wararka laga helayo halkaas ay sheegayaan in kooxihii weerarka geystay ay durbadiiba baxsadeen.
Isniintii toddobaadkan ayay ahayd markii saddex sarkaal oo ka tirsan booliiska dalka Kenya lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay deegaanka Libooyo oo ka mid ah deegaannada ku dhow soohdinta ay labada dal wadaagaan, waxaana weerarkaas ku dhaawacmay laba qof oo Soomaali ah.
Xarakada Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore ku hanjabtay inay gudaha Kenya ka geysan doono qaraxyo, kuwaasoo ay uga jawaabayso ciidamada ay Kenya u soo dirtay gudaha Soomaaliya, kuwaasoo dagaal kula jira xoogaggeeda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Shan qof oo ku dhaawacmay Qaraxyo xalay ka dhacay Degmada Wajeer oo ku dhow Soohdinta Soomaliya iyo Kenya
More News
- Youtube: Warbixin Cabdi Bile Cabdi oo London Lagu soo dhaweeyey : Baafo
- Shirweyne ay isugu yimaadeen haween ka kala yimid Puntland, gobollada dhexe iyo Itoobiya oo Garoowe ka furmay [SAWIRRO]
- Rugta ganacsiga iyo wershedaha ee Puntland oo dhistay dallad ay ku mideysan yihiin shirkadaha xoolaha dhoofiya [SAWIRRO]
- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda KMG oo dil toogasho ah ku fulisay afar Askari oo gacan ku dhiiglayaal ahaa
- Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka oo la kulmay Odyaasha Dhaqanka
- Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ku laabtay Magaalada Baladweyne kana warbixiyay safarro uu ku maqnaa
- Sheekh Shariif oo beeniyay in xukuumadii Farmaajo ay lacago lunsatay
- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo imaamyadda masaajidada ka codsaday in la mideeyo wakhtiyadda Salaadda
- YAASIIN MAAXI: “Waxaan wax ku doonayaa Sinnaan iyo Soomaalinimo, wax intaas ka hooseeyana wax kuma doonayo” (SAWIRRO)
- Xiriiriyaha gargaarka bani'aadamnimo ee Somalia oo sheegay in Malaayiin qof ay weli u baahan yihiin Mucaawino
- Kulan looga hadlayay sidii ay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed u wada-shaqeyn lahaayeen oo Muqdisho lagu qabtay
- Haweenka kulan ku yeeshay Muqdisho oo Dowladda iyo Odayaasha ugu baaqay inay Tixgeliyaan Saamiga Haweenka
- Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Warbixinta Guddiga Baarista ee Qaramada Midoobay ay kasoo horjeeddo nabadda Soomaaliya