Khamiis, July 19, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku tilmaamay warbixintii kooxda baarista Qarammada Midoobay ee uu ka mid ahaa mas'uuliyiintii lagu eedeeyay inay tahay mid looga gol leeyahay in nabdda Soomaaliya lagu burburiyo, isagoo sheegay inaysan jirin hanti ay lunsadeen.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadal ka sheegay xaflad uu isugu sharraxayay ka qaybgalka doorashada madaxnimo ee Soomaaliya ee dhacaysa bisha Ogoosto ee soo socota ayaa sheegay inuu u baahan yahay in fursad si mar kale uu hoggaanka dalka u qabto.
"Kooxdan baarista (Monitoring Group) waxay ka mid tahay cadawga Soomaaliya, waxaana is-weydiin leh 20-kii sano ee lasoo dhaafay ma sameeyeen warbixin, maxaa u diiday inay sameeyaan, waayo dad ayaa la dhacay, dad ayaa la dilay, dad ayaa la kufsaday; balaayana way dhacday, warbixin ay ka sameeyeenna ma jirto, dowladda markii lagu dhisay Jabuuti - boqol doolar nalooma dhiibin, cid aan lacag ka soo qaadanno oo noo muuqatayna ma jirin, lacagtii aan howsha ku billowynayna waxaan ka daynsannay ganacsatada Soomaaliyeed," ayuu si kulul u yiri Sheekh Shariif.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in ganacsatada qaarkood ay weli daymahooda la siin, wuxuuna warbixinta kooxdan ku tilmaamay mid laga xumaado ujeeddooyinka laga leeyahayna ay tahay in la dumiyo dowladda Soomaaliya.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in warbixinta lagu soo aaddiyay xilli kala guur ah, isagoo sheegay in danta laga leeyahay halkaas laga ogaan karo. Waxaana hadalka madaxweynuhu uu imaanayo iyadoo maanta golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay loo gudbin doono warbixinta lagu sheegay inay madaxda DKMG ah lunsadeen hanti Qaran.
Dhanka kale, Sheekh Shariif ayaa sheegay inay ka go'an tahay inuu xilka mar kale qabto, isagoo sheegay inuu doonayo inaysan lumin fursadihii ay kasoo shaqeeyeen isla markaana uu doonayo inuu waddada u xaaro da'yarta Soomaaliyeed si ay ugala wareegaan hoggaanka dalka, maadaama aysan meesha iska joogayn.
"Waxaan doonaynaa inaan xaqiijinno mustaqbal ummadda Soomaaliyeed, dadka aan anigu ugu yarahayna waxaan leeyahay waqti badan ayaa naga lumay, welina ma arag dowladnimo taam ah," ayuu yiri Sheekh Shariif.
Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu hadalkiisa ku daray inuu doonayo inaanay mar kale lumin fursad, ayna da'da soo koraysa u diyaariyaan mustaqbal wanaagsan si ay ula wareegaan hoggaanka dalka.
"Fursad in nala siiyo ayaan u baahannahay, waayo waxaan doonaynaa inaan kuwa naga yaryar iyo caruurteenna u diyaarinno, talada dalkana aan u banneyno," ayuu Sheekh Shariif ku sheegay hadal uu ka jeediyay munaasabadda uu isku sharraxayay.
Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu doonayo inaysan meel cidlo ah uga tegin howshii ay soo qabteen, balse ay ka go'an tahay inay dhameystiraan, isagoo xusay inuu diyaar u yahay inuu dalka ku hoggaamiyo dareen wadaniyadeed iyo mid Soomaalinimo oo daacad ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Warbixinta Guddiga Baarista ee Qaramada Midoobay ay kasoo horjeeddo nabadda Soomaaliya
More News
- Youtube: Warbixin Cabdi Bile Cabdi oo London Lagu soo dhaweeyey : Baafo
- Shirweyne ay isugu yimaadeen haween ka kala yimid Puntland, gobollada dhexe iyo Itoobiya oo Garoowe ka furmay [SAWIRRO]
- Rugta ganacsiga iyo wershedaha ee Puntland oo dhistay dallad ay ku mideysan yihiin shirkadaha xoolaha dhoofiya [SAWIRRO]
- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda KMG oo dil toogasho ah ku fulisay afar Askari oo gacan ku dhiiglayaal ahaa
- Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka oo la kulmay Odyaasha Dhaqanka
- Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ku laabtay Magaalada Baladweyne kana warbixiyay safarro uu ku maqnaa
- Sheekh Shariif oo beeniyay in xukuumadii Farmaajo ay lacago lunsatay
- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo imaamyadda masaajidada ka codsaday in la mideeyo wakhtiyadda Salaadda
- YAASIIN MAAXI: “Waxaan wax ku doonayaa Sinnaan iyo Soomaalinimo, wax intaas ka hooseeyana wax kuma doonayo” (SAWIRRO)
- Xiriiriyaha gargaarka bani'aadamnimo ee Somalia oo sheegay in Malaayiin qof ay weli u baahan yihiin Mucaawino
- Kulan looga hadlayay sidii ay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed u wada-shaqeyn lahaayeen oo Muqdisho lagu qabtay
- Shan qof oo ku dhaawacmay Qaraxyo xalay ka dhacay Degmada Wajeer oo ku dhow Soohdinta Soomaliya iyo Kenya
- Haweenka kulan ku yeeshay Muqdisho oo Dowladda iyo Odayaasha ugu baaqay inay Tixgeliyaan Saamiga Haweenka