4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 18, 2012
Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo sheegtay in Odayaasha Dhaqanku ay dib u eegis ku sameeyeen Dastuurka Cusub
Arbaco, July 18, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda KMG ah ayaa lagu sheegay in odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho ay dib u eegis ku sameeyeen dastuurka cusub ee Soomaaliya ayna maanta dib u soo celiyeen, balse talooyin ay soo jeediyeen odayaasha ay dowladdu sheegtay in loo gudbin doono ergooyinka ansixin doona dastuurka.

Dowladda ayaa sheegtay in tallaabadan ay timid kaddib markii dood waxtar leh laga sameeyay arrimaha dastuurka iyo horumarintiisa. Iyadoo warsaxaafadeedka lagu yiri: "Odayaasha dhaqanka ayaa si dib u heshiisiin ku jirto waxay wadada u xaareen geedi socodka qorshaha kala-guurka ee lagu soo dhameystirayo xiliga kumeelgaarka."

Wasiirka arrimaha dastuurka iyo dib u heshiisiinta, C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa soo dhaweeyay taallaabadan isagoo ku tilmaamay mid muhiim ah horayna u riixaysa geeddi socodka looga baxayo xilliga KMG ah.

“Waan ku faraxsan nahay horumarka la sameeyay. Shacabka Soomaaliyeed waxay sugayaan isbedel, tallaabadan waxay xaqiijineysaa arintaas. Waa in si wadajir ah loo sameeyo si loo helo dib-u-heshiisiin dhab ah, loona badbaadiyo jiilalka soo socda, dowlad ka kooban bulshada oo dhanna la hirgeliyo," ayuu yiri wasiirka dastuurka oo hadlay.

Dhawaanahan ayaa waxaa jiray muran ku saabsan qodobbo dastuurka ka mid ah oo ay odayaashu sheegeen in loo baahan yahay in wax ka bedel lagu sameeyo, taas oo keentay in madaxda DKMG ah iyo odayaashu ay kulammo arrintan ku aaddan ku yeeshaan magaalada Muqdisho.

Odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda sheegin inay dib ugu celiyeen dowladda KMG ah dastuurka KMG ah kaddib markii ay dib u eegis ku sameeyeen, waxaana lagu soo beegan warsaxaafadeedkan iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda uu Muqdisho ka furmo shirweynaha lagu ansixinayo dastuurka cusub ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya