4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 18, 2012
Dagaal Ciidamada DKMG, Kenya iyo Xarakada Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose
Arbaco, July 18, 2012 (HOL) — Dagaal aad u culus isla markaana dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay ka dhacay deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubada Hoose.

Dagaal oo ahaa mid socday qadar saacad iyo bar ah ayaa yimid kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ku lahaayeen deegaanka Qooqaani, waxaana labada dhinac dhexmaray dagaal xooggan.

Goobjooge ku sugan deegaanka Qooqaani ayaa HOL u sheegay in dagaalka uu markii hore ku bilowday madaafiic ay Al-shabaab kusoo tuuraan magaalada, kadibna uu isu badalay dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray labada dhinac.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ayaa hadana warar aan la xaqiijin oo ku dhow dhow dagaalka waxa ay sheegayaan in uu sababay dhimashada shan qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah iyo dhaawac intaa ka badan.

Saraakiil u hadashay dhinacyadii uu dagaalka u dhexeeyay ayaa guulo kala sheegtay, iyadoona dhinac walba uu sheegay in uu khasaare xooggan u geystay dhinaca kale.

Dagaalkan ayaa qeyb ka ah dagaallo aalaaba gobolka Jubada Hoose ku dhexmara ciidamada dowladda KMG, iyo kuwa Raaskaambooni oo garab ka helaya AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya