4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 18, 2012
Maayarkii Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool iyo ku xigeenkiisii oo xabsiga loo taxaabay
Arbaco, July 18, 2012 (HOL) — Badhasaabka gobolka Sool Maxamed Maxamuud Cali (Jeeni Yare) ayaa la sheegay inuu xabsiga u taxaabay maayarkii iyo maayar ku xigeenkii magaaladda Laascaanood.

Ilaa hadda lama oga sababta loo xidhay iyo waxa lagu eedeeyey labaddan masuul, balse warar dheeraad oo aanu halkaasi ka heleyno waxay tibaaxayaan in lagu eedeeyey inay musuqmaasuq sameeyeen, isla markaana arrinkoodda la baadhayo.

Maayarka magaaladda Laascaanood  Kayse Maxamed Xuseen iyo ku xigeenkiisa Axmed Aadan Cilmi, ayaa la sheegay in markii ay shalay xafiiskooda yimaadeen ciidanka boolisku xabsiga u taxaabeen.

Inkastoo aanu isku daynay in aanu badhasaabka wax ka waydiino ayaanay noo suurtogalin, haseyeeshee, ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay waxa lagu eedeeyey iyo sababta loo xidhaytoona lama sheegin, xukuumadda Somalilandna kama hadal arrintaasi.

Somaliland kuma cusba in rag masuuliyiin ah oo xilkii ay ummadda u hayeen iyadoon laga qaadin in la xidho, waxa hore sidan oo kale loo xidhay iyagoo shaqaynaya Badhasaabkii hore ee gobolka Maroodi Jeex, Mr:Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarje), agaasimihii hore ee wasaaradda Dib u dejinta Mr:Axmed Cilmi Bare iyo la taliyihiii hore ee madaxweyne ku xigeenka Mr: Cismaan Siciid Jaamac, kuwaas oo iyagoo aan xilka laga qaadin xabsiga loo taxaabay ka dibna xilkii laga qaaday.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland