4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 18, 2012
Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka Jawaabay war laga soo xigtay Ra’iisal Wasaaraha xukuumada KMG
Arbaco, July 18, 2012 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Baladweyne ayaa si kulul uga jawaabay sida ay hadalka u dhigeen war ay qoreen qeybaha warbaahinta qaarkood oo la sheegay in laga soo xigtay ra’iisal C/wali Max’ed Cali Gaas.

Ku-simaha guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Max’ed Macalin Yuusuf (Garabay) oo ka hadllay shirka jaraa’ad ayaa sheegay in ay aad ula yaabeen war la sheegay in laga soo xigtay ra’iisal wasaare C/wali Gaas oo sheegaya in uu ku bixiyay gobollka Hiiraan lacag dhan $ 1, milyan oo doolar.

"Waxaan leenahay warkaasi waa been abuur, ma jiraan wax dhaqaallaha oo uu gobollka Hiiraan ku bixiyay ra’iisal C/wali, isaga ayaa laga doonayaa in uu jawaabo hadalkan haddii yahay mid laga been abuurtay iyo haddii isaga laga soo xigtay intaba," ayuu yiri Maxamed Garabey.

Wuxuu intaa ku darray in wararkan soo baxaya ee ka hadllaya in $ 1, milyan oo doolar lagu bixiyay gobollka Hiiraan ay muujiyaan in ay jiraan lacago loogu talagalay gobollka, laakiin laga lunsaday, taasoo ceeb iyo fool xumo ku ah ayuu yiri mas’uulkan warkan laga soo xigtay.

"Waxaa annaga noocad in uu jiro qorshe loogu talagalay gobollka Hiiraan, laakiin si kale loo maamulay, sidaa daraadeed waa in jawaab cad uu ka bixiyaan ra’iisal wasaaraha warkan ku saabsan dhaqaallaha intaa la ee uu sheegay in uu ku bixiyay gobollka Hiiraan,’’ ayuu hadalkiisa ku daray.

Shirka jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Baladweyne mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan ayaa imanaya xili dhawaan kooxda Monitoring Group ay ku eedeeyeen mas’uuliyiinta sare ee dowladda in ay lunsadeen lacago loogu deeqay dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya