4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 18, 2012
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Col. Caalin oo Qalliin muddo saacado ah qaatay looga sameeyay Wadnaha

Arbaco, July 18, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Col. Maxamed Axmed Caalin ayaa qalliin shan saacadood qaatay looga sameeyay wadnaha, kaddib markii xanuun kasoo wajahay awgiis loogu qaaday maalmo ka hor magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda Galmudug, Bile Diini Cali oo qalliinka kaddib la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in qalliinka lagu sameeyay Col. Caalin uu ahaa mid deg-deg ah, ayna hadda xaaladdiisa caafimaad aad u wanaagsan tahay.

"Madaxweyne Caalin waxaa qalliin deg-deg ah loo sameeyay wadnaha, waana lagu guuleystay, xaaladdiisuna waa wanaagsan tahay," ayuu yiri Bile Diini. "Qaar ka mid ah xididdada dhiigga siiya wadanaha ayaa xirmay waana la furay dhammaantood."

Sidoo kale, agaasimuhu wuxuu sheegay in madaxweynuhu uu yahay mid dadka kala garanaya, inkastoo uu muddo shan saacadood ah qalliin ku jiray, shan saac oo kalena uu suuxsanaa, isagoo sheegay in caafimaadkiisu uu sidii hore ka wanaagsan yahay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ka mid ah saxiixayaashii heshiiska qorshaha looga baxayo xilliga KMG ah ee Soomaaliya, waxaana muddo hayay xanuun, inkastoo ay shalay go'aansadeen dhaqaatiirta isbitaalkii lagu qalay inay ku sameeyaan qalliin deg-deg ah.

Qallinka Col. Caalin ayaa kusoo beegmaya iyadoo lagu wado inay doorashada madaxnimo ee Galmudug ay dhawaan dhacdo, waxaana xilkaas u taagan murashaxiin fara badan oo kasoo jeeda deegaannada uu maamulkaas ka taliyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya