4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 18, 2012
Ergada Shir-weynaha Ansixinta Dastuurka Soomaaliya uga qayb geleysa Puntland oo xulintaakooda la dhameystiray

Arbaco, July 18, 2012 (HOL) — Gudiggii loo xil saaray soo xulitaanka ergada uga qaybgalaysa Puntland shirweynaha ansixinta dastuurka Soomaaliya ayaa la shaaciyay in soo xulitaankoodii lasoo gabgabeeyay shalay oo Talaado ahayd, isla markaasna ay dhamaantood diyaar yihiin.

Shir jaraa'id oo ay xubnaha gudigaasi magaalada Garoowe si wadajir ah ugu qabteen ayay ka sheegeen in dhammaan beeluhu ay soo saareen dadkii uga qayb geli lahaa shirweynaha aftida loogu qaadayo Dastuurka cusub ee dalka.

Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo ah xubin gudigan ka tirsan ayaa ugu horeyn warbaahinta la hadlay, wuxuuna sheegay in ay wax lagu farxo tahay in howshaasi ay si hufan kusoo gaba gabowdo.

Xildhibaanka ayaa intaas raaciyey in dowladu aysan wax lug ah ku lahayn soo xulitaanka ergada, haseyeeshee ay odayaashu dhaqanka oo iyaga howshaas loo xil saaray ay ku guuleysteen in ay ergada soo dhamaystiraan.

Faadumo Ibraahim Malta oo iyaduna gudigan xubin ka ah islamarkaana shirkaas jaraa'id ka hadashay ayaa tilmaantay inay lagama maarmaan tahay in DKG ahi ay howsha fududeyso, sida ugu dhaqsaha badanna loo diyaariyo goobihii ergada la dejin lahaa marka ay caasimadda gaaraan.

Xulista ergooyinka shirweynaha ansixinta Dastuurka uga qayb gelaya Puntland ayaa ahayd mid todobaadyadii u danbeeyey lagu mashquulsanaa, waxayna kusoo beegmeysaa xilli uu shirweynaha ansixinta Dastuurku dib uga dhacay wakhtigii horay loogu qorsheeyey in uu qabsoomo.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir
[email protected]
Puntland, Soomaaliya