4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 17, 2012
Qaraxyo is xig-xigay oo Waabarigii hore ee Saakay ka dhacay Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan

Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Labo qarax oo loo maleynayo in ay ahaayeen kuwo ka dhashay miinada meelaha fog laga hago ayaa saakay waabarigii hore ka dhacay bartamaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxyadan oo ahaa kuwo is xigay ayaa lagu soo beegmay xili ciidamada dowladda Itoobiya ku guda jireen sidii caadada u aheydba howlgal subaxa hore ay ka sameeyaan magaalada, waxaana intaa kadib la maqlayay rasaas ay ridayeen ciidamada dowladda Itoobiya.

Illaa iyo hadda ma cada khasaaraha ka dhashay qaraxa, iyadoo howlgal ay sameeyeen ciidamada dowladda Itoobiya ay ku soo qab qabteen tiro dad ah, kuwaasoo markii danbe ay sii daayeen.

Qaar ka mid ah dadka saakay ay qabteen ciidamada Itoobiya ayaa HOL u sheegay in aan wax dhibaato ah loo geysan, laakiin lagu wargaliyay oo kaliya in ay kala shaqeeyaan amaanka si looga hortago dadka geysanaya falalka ka dhanka ah nabad-galyada.

Qaraxyadan saakay ka dhacay magaalada Baladweyne ayaa ku soo beegmaya xili todobaadyadii aynu soo dhaafnay xaalada magaaladu aheyd mid degan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya