4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 17, 2012
Saraakiisha Ciidamda Dowladda KMG ee Jubbooyinka oo sheegay inuu isku soo dhiibay sarkaal ka tirsan Al-shabaab

Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Saraakiisha ciidamada dowladda KMG ee ku sugan deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in uu isu soo dhiibay sargaal sare oo katirsan Al-shabaab.

Max'ed Cali Dhuuboow oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda KMG ee gobollada Jubooyinka ayaa sheegay in uu iso soo dhiibay sargaal lagu magacaabo C/rashiid C/laahi oo katirsanaa saraakiisha xoogagga Al-shabaab ee gobollada Jubooyinka.

Masuulkani ayaa sheegay in isa soo dhiibidda sargaalkani ay ka danbeeysay kadib wadahadallo dheer oo mudooyinkii u danbeeyay u socday saraakiisha dowladda iyo masuulka isa soo dhiibay, wuxuuna sheegay in xilligii uu isa soo dhiibayay uu watay qori nooca Ak47-ka ah.

"Waxaa jiro rag badan oo katirsan Al-shabaab oo xiriir lasoo sameeyay dowladda, waxaana ugu baaqeynaa dhalinyarada ka barbar dagaalanta Al-shabaab in ay dowladda isu soo dhiibaan, ammaankoodana inagaa damaanad qaadi doono," ayuu Max'ed Cabdi Dhuuboow hadalkiisii raaciyay.

Masuuliyiinta Al-shabaab ee Jubooyinka ilaa imika kama hadlin sargaalka la sheegay in uu isu dhiibay ciidamada dowladda KMG ee Jubooyinka.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo masuuliyiin katirsan dowladda KMG ee Jubooyinka ay sheegaan in ay isu soo dhiibeen rag katirsan Al-shabaab, haseyeeshee waxa jirtay marar badan oo sidan oo kale ay u sheegeen in ay isu soo dhiibeen rag katirsanaa xoogagga Al-shabaab ee ka dagaalama gobollada Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya