4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 16, 2012
Qaar kamid ah ganacsatada waaweyn ee magaalada Boosaaso oo maanta shaqo joojin sameeyey

Isniin, July 16, 2012 (HOL) - Waxaa maanta albaabada loo laabay in badan oo kamid ah goobaha ganacsiga ee magaalada Boosaaso, oo iyadu ah xarunta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee dowlad goboleedka Puntland.

Qaar kamid ah ganacsatada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in talaabadan ay u qaadeen si ay u muujiyaan cabashadooda ku aadan hoos u dhac weyn oo ay tilmaameen in uu ku yimid qiimaha Dollarka iyo cashuurta o lagu kordhiyey.

" Suuqu aad ayuu u xun yahay, qiimaha Dollarkuna ma fadhiyo xiliganna hoos ayuu u dhacay, cashuurtuna waxay ku salayasan tahay xiligii uu hlaka Dollar ahaa 32,000Sh.So. arintaasi aad bay culays noogu tahay mana ahan mid aan u dulqaadan karno" mid kamid ah ganacsatada oo magaciisa Cali kusoo koobay ayaa yiri.

Dhanka kale waxaa xarunta rugta ganacsiga iyo wershedaha ee Puntland maanta ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen guddi hoosaadyada ganacsatada iyo madaxda rugta, waxaana logoa wada hadlay sidii arintaas xal loogu heli lahaa, inkasta oo kulankaasi uu ahaa mid ay saxaafaddu banaanka ka joogtey.


Mudooyinkii u danbeeyey waxaa soo badanayey cabashooyinka la xiriira cashuurta laga qaado ganacsatada, waxaana taas barbar socdey dadaalo badan oo ay dowladu u gashay sidii qiimaha Dollarka looga dhigi lahaa mid sugan

Si kastaba ha ahaatee madaxda wasaaradaha ay arintaasi khuseyso ayaa beeniyey in qiimaha cashuurta la kordiyey, islamarkaana xusay in ganacsatada cashuur dhimis balaaran loo sameeyey, si looga soo kabsado khasaarahii uu geystey dabkii bilo kahor suuqa weyn ee magaalada Boosaaso ciidda ku daray.

Maxamed Salaad Salaad, Hiiraan Online
[email protected]
Bossaaso, Somalia