4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 16, 2012
Dabley ku labisan Dharka Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya oo xalay laba qof ku dilay degmada Afgooye
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Kooxo sita labiska ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa xalay ku toogtay degmada Afgooye ganacsade iyo wiil uu dhalay oo lagu kala magacaabi jiray, Cismaan Axmed Xuseen iyo wiilkiisa Maxamed Cismaan Axmed, kaddib markii ay ku weerareen dukaankooda oo ku yaala bartamaha degmadaas.

Inkastoo aan la garan kooxaha dilka geystay ayaa wararku waxay sheegayaan in markii ay dilka geysteen kadib ay dhaceen alaabooyin dukaanka yaalay iyo lacag fara badan oo shillin Soomaali ah.

Mas'uul ka tisran DF oo ku sugan degmada Afgooye ayaa xaqiijiyay weerarka isagoo sheegay inuu dhacay 12:00 habeenimo ee xalay, kooxihii falkaas geystayna ay baxsadeen balse ay ku jiraan baadi-goobkooda.

"Falkaas wuxuu ahaa mid naxariis-darro ah oo ay ku kaceen kooxo doonaya inay carqaladeeyaan amaanka iyo degenaashaha degmada Afgooye," ayuu yiri mudane Cali Afgooye oo ka mid ah xildhibaanada kasoo jeeda degmadaas.

Xildhibaanada ayaa madaxda dowladda Soomaaliya ka dalbaday inay dadaal u galaan sidii lagu soo qaban lahaa kooxihii falkaas geystay ee xirnaa dharka ciidanka lana horkeeno shacabka.

Dadweynaha ku nool degmada Afgooye ayaa walaac ka muujiyay falkan, iyagoo sheegay inay dhibaatooyin xoogan ku qabaan kooxo ku labisan tuutaha ciidamada oo degmadaas ku sugan kana tirsan ururka Ahlusuna Waljamaaca.

Ugu dambeyn, ehelada marxuumiinta ayaa sheegay in ciidamada dowlada KMG ee ku sugan degmadaas aysan waxba ka qaban intii dhac iyo dilka ay geysanayeen kooxaha hubeysan oo ku labisnaa dharka milateriga Soomaalia.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya