Isniin, July 16, 2012 (HOL) - Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa si deggan uga jawaabay warbixintii qaramada midoobay ay soo saartay ee qaar kamid hogaamiyayaasha dawlada ku eedaysay musuqmaasuq iyo lunsashada hantida qaranka.
Farmaajo oo soo saaray warsaxaafadeed ayaa soo dhaweeyay warbixinta, wuxuuse beeniyay inuu wax lug ah ku leeyahay lunsiga lacag gaaraysa 3.5 milyan oo uu ku eedeeyay inay Ra'iisul wasaare Gaas inay ku maqantahay xukuumadii Farmaajo.
Farmaajo ayaa warbixinta qaramada midoobay ku tilmaamay inay tahay mid anfici doonta jiilasha soo socda.
Hoos ka akhriso nuqul kamid ah warsaxaafadeedka oo Hiiraan Online lasoo gaarsiiyay.
WAR SAXAAFADEED ( PRESS RELEASE)
Ujeedo: Jawaab ku aadan warbixintii ay soo
bandhigeen guddiga qaramada midoobay u qaabilsan kormeerida Soomaaliya
1- Waxaan
soo dhawaynayaa warbixintii kasoo baxday gudiga kormeerayaasha qaramada
midoobay u qaabilsan baaritaanada ku aadan musuqmaaqa ee arrimaha Soomaaliya,
taasoo aan u arko inay tahay mid anfici doonta jiilalka dambe ee Soomaalida.
2- Waxaan
kaloo aad ugu faraxsanahay sida faahfaahinta dheer leh ee ay gudigu isugu
hawleen inay soo helaan kiisaska ku aadan mususmaasuqa, kuwaasoo intooda badan
sidii la rabay daaha looga rogay.
3- Baaritaannada
la sameeyay oo aan ogahay in wakhti dheer iyo dadaalba lagu bixiyay waxay
intooda badan ku guulaysteen inay soo helaan marxalada dhabta ah ee ay
Soomaaliya marayso, taasoo ay ahayd mar hore inay shacabka Soomaaliyeed
ogaadaan.
4- Waxaan
ku boorrinayaa shacabka Soomaaliyeed inay akhriyaan oo si qoto dheer u fahmaan
dhammaan qodobada warbixintan oo ay tahay in si fiican dadka loogu turjumo.
Mawqifkayga ku aadan Musuqmaasuqa
Tan iyo markii aan bilaabay inaan ka shaqeeyo nidaam dawladeed laga soo
bilaabo 1993 oo aan la shaqaynayay dawlada hoose, tan dhexe iyo tan gobolka ee
New York, kana shaqaynayay ilaalinta xuquuqda dadka laga tiro badanyahay,
waxaan waligeey ku dadaali jiray oo ay ogyihiin intii ila soo shaqaysay inaan
ka hortago musuqmaasuqa oo aan ku dadaalo ilaalinta xuquuqda iyo daryeelka
dadweynaha.
Waxaan
bartilmaameedsanayay inaan Soomaaliya u soo celiyo sharftii iyo karaamadii ay
ku dhex lahayd bulshada caalamka, anigoo bilaabay inaan Soomaaliya gaarsiiyo
dhanka maamul wanaaga wadamada horumaray, tan iyo markii ay xilka Ra’iisul
wasaarennimo aan qabtay sannadkii 2010ka.
Dhisitaanka
nidaamka Dawladnimo ee Soomaaliya
Markii aan la wareegay xilka
December 2010ka, Waxaan bilownay
shaqo adag oo ay igala qaybgaleen dhammaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaanna
golihii xukuumadda.
1- Waxaan ansixinay miisaanayad
sannadeedka qaranka oo ahayd tii ugu horreysay ee muddo 20 sano ah,
baarlamaanka la mariyo.
2- Waxaan dib u bilownay mushaaraadkii
dhammaan shaqaalaha dawlada, gaar ahaanna ciidamada qaranka oo markaas ay
haysatay duruuf adag oo ay ugu horreyso mushaar la’aan raashin la’aan, daawo
la’aan iyo hub la’aan, iyadoo aan bilownay daryeel guud oo aan siinayno
ciidamada oo ay kamid tahay musharaadka xataa loo bilaabay dhammaan qoysaskii
askartii ku geeriyooday dagaallada ay
dawladu kula jirtay kooxaha kasoo horjeeday
3- Waxaan bilownay xoojinta ciidamada sirdoonka
Soomaaliya, taasoo yaraysay qaraxyadii ka dhacayay Muqdisho, horseedna u
noqotay in la jabiyo kooxihii kasoo horjeeday dawlada.
4- Waxaan
joojinnay diyaaradaha khaaska ah ee ay horay u qaadanjireen madaxdii naga
horreysay, taasoo ay sannadkii malaayiin lacag ah Soomaaliya uga khasaari
jirtay, annagoo ku badalnay in madaxda dawladu marka ay safrayaan ay raacaan diyaaradaha shacabka, si loo
badbaadiyo hantida qaranka.
5- Waxaan
yaraynay safarradii madaxda dawlada, marka laga reebo kuwa lagu fursan waayo,
waxaanan lacag u qoondaynay safarrada masuuliyiinta dawlada oo awal ay bixin
jireen hay’adaha qaramada midoobay, si loo adkeeyo madaxbannaanida Soomaaliya
iyo qarannimadeeda.
6- Waxaan
dib u dhisnay taleefishinkii qaranka oo muddo labaatan sano ka badan aan hawada
soo galin, taasoo aan u isticmaalnay inaan shacabka u marino farriimaha
wadaninnimada, keentayna markii dambe in dhammaan dadweynihii caasimadu ay ugu
istaageen si iskood ah inay ula dagaallamaan kooxahihii dawlada kasoo
horjeeday, ayna si toos ah isugu xirmeen shacabka iyo dawlada.
7- Waxaan
Dayactirnay oo qalabaynay Isbitaalka Martiini oo lagu xannaanaynayay ciidamadii
dalka soo difaacay ee ku dhaawacmay
dagaalladii Soomaaliya ay la gashay wadamada dariska, kuwaasoo ay dawladu u soo
celisay daryeel buuxa iyo xuquuqda ay ku lahaayeen dalkooda.
Anigoo hal meel ah aan ku soo wada koobi karin waxyaabihii ay qabatay
xukuumadeenii mudadii 6-da bilood ahayd , waxaan arrimahaas dhowrka ah uga
taabtay in dhammaan waxyaabihii noo qabsoomay ay ku yimaadeen dagaalkii aan
kula jirnay musuqmaasuqa, taasoo keentay in lacagihii markii hore ku dhici
jiray jeebabka masuuliyiinta lagu qabtay adeegyo shacabku ay u baahnaayeen,
iyadoo sidoo kalana horseeday kalsooni inay shacabku siiyaan dawlada.
Waxaana xusid mudan in dawlad wanaagii aan wadada u xaarnay inuusan socdeen
haddii uu jiri lahaa musuqmaasuq.
Jawaabta igaga aadan warbixintii
qaramada midoobay
Warbixinta nuqul kamid ah ayaa soo qaadanaya
magacayga oo oranaya “ Ra’iisul wasaare C/wali Gaas ayaa u sheegay gudiga
baarista in lacag dhan 3.5 milyan oo dollar oo kamid ah lacagtii ay dawladda
Imaaraadka carabtu ugu deeqday Soomaaliya, aysan soo gaarin oo ay lunsatay
xukuumadii Farmaajo”.
1- Qofkii
si fiican u akhriyay warbixintaas wuxuu dareemi karaa inaysan jirin wax eedayn
ah oo gudigaasi uu xukuumadaydii ku soo oogay.
2- Sida
ku xusan isla warbixintana waxaa lagu sheegay inaanan wax waraysi ah la igala
yeelan arrinkaas, maadaama aysan guddigu arrintaas wax iga waydiinna taasi
waxay muujinaysaa in gudigu ay waayeen cadayn ay ku qancaan, taasoo keeni
lahayd in la ila soo xiriiro.
3- Sida
warbixinta lagu sheegayse waxaa jira eedayn ka timid walaalkey Ra’iisul
wasaaraha C/wali Maxamed Cali Gaas oo wasiirna ka ahaa xukuumadaydii, isla
markaana aan nahay saaxiib gaar ah, anigu ma aaminsani in eedayntaasi ka timid
C/wali amaba ay tahay wax suuroobi kara, sidaa awgeed waxaan codsanayaa in
mudane C/wali uu arrinkaas daahfuro uuna shacabka Soomaaliyeed u soo bandhigo
haddiiba ay jiraan cadaymo muujinaya in lacag intaas dhan ay ku maqantahay
dhankayga, hadii uusan hadalkaa oranna uu shacabka u cadeeyo, waxaan ogahay in
C/wali uu yahay nin aan muddo dheer aan is naqaanay, oo og halka aan ka
taaganahay musuqmasuqa iyo lunsashada hantida qaranka, waxaan kaloo idiin
cadaynayaa inuu kamid yahay dadka aan aadka u qadariyo oo laga yaabo xogta
warbixinta ku qoran in lagu been abuurtay.
Gabogabo
Dagaalka aan la galnay musuqmaasuqa xilligii xukuumadii Tayo, waxaan aaminsanahay inuu laf dhabar u ahaa
guulihii aan ka gaarnay dhinacyada dawlad wanaagga, guulihii ciidamada, koboca
dhaqaale iyo siyaasadaba, taasoo igu abuurtay inaan dareemo in shacabkaygu u
baahanyahay inaan sii wado shaqadii hakadka gashay, waana midaas tan igu
kalliftay inaan isu soo taago xilka madaxweynenimo ee dalka, si aan idin kugu
hogaamiyo cadaalad, sinnaan, midnimo, Soomaalinimo iyo Islaamnimo, taasoo noo
suura galin doonta dhammaanteen innagoo gacmaha is haysanna inaan ka gudubno dhibaatooyinka
dalkeena soo wajahay 20-kii sano ee la soo dhaafay.
Waxaan ilaahay uga
rajaynayaa shacabka Soomaaliyeed inay helaan hogaan caadil ah oo kasoo saara
dhibaatada dalka haysata iyo doorasho ku dhacda si xaq ah.
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]Nairobi , Kenya