4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 16, 2012
Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inay difaacanayso Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa maanta sheegtay inay difaacaynayso magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, halkaasoo ay ku wajahan yihiin ciidamada Kenya ee ka mid noqday AMISOM, kuwa Dowladda KMG ah iyo xoogagga Raaskambooni.

Gudoomiyaha Xarakada Al-shabaab ee Kismaayo, Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa sheegay inay ka go'an tahay inay difaacdaan magaalada Kismaayo, isagoo Kenya ku eedeeyay inay doonayso inay boobto hantida shacabka Soomaaliyeed.

"Dowladda Kenya waxay doonaysaa inay nafta iyo maalka umadda Soomaaliyeed boogto, innagana waxaa naga go'an inaan iska difaacno," ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub oo shacabka ku nool Kismaayo ugu baaqay inay diyaar u diyaar-garoobaan.

Saraakiisha AMISOM iyo kuwa Kenya ayaa ku tilmaamay Kismaayo goob muhiim u ah Al-shabaab, iyadoo aan laga qabsanna aan awoodda kooxdaas la dumin karin, iyagoo xilligaas ku dhawaaqay inay Kismaayo qabsan doonaan inta aan la gaarin bisha Ogoosto ee sannadkan oo ay dhacayso dowladda KMG ah.

Sidoo kale, Sheekh Xasan Yacquub ayaa sheegay in ujeedka Kenya ay Soomaaliya u soo gashay aysan ahayn inay difaacanayso xuduudkeeda, balse ujeeddadeedu ay tahay sidii ay u qabsan lahaayeen qaybo ka mid ah dhulka Soomaaliya.

"Kenya waxay dunida weydiisatay kaalmo ay kula dagaalanto mujaahidiinta, taas ayaana caddeyn u ah inaysan doonayn inay xuduudaha dalkeeda difaacato, beentii ay sheegi jirtayna way soo baxday," ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub.

Hadalka mas'uulkan u hadlay Al-shabaab ayaa kusoo beegmaya xilli degmooyin dhowr ah oo ku dhow magaalada Muqdisho ay ka qabsadeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowaldda KMG ah oo is-garabsanaya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya