3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 16, 2012
Xildhibaan lagu dilay Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Al-shabaab oo sheegatay Mas'uuliyada Weerarkaas
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Maxamuud Cabdi Ibraahim (Garweyne) oo ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya horayna u soo noqday wasiir ayaa ku dhintay qarax maanta oo Isniin ah ka dhacay degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir; iyadoo qaraxaas ay ku dhaawacmeen sideed qof oo laba ka mid ah ay la saarnaayeen gaariga.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka ee gobolka Banaadir, Warasme Maxamed Xasan (Joodax) oo saxaafadda kula hadlay agagaarka bacadlihii hore ee Xamarweyne oo ah goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay inay ku ogaadeen baaris ay sameeyeen in qaraxu ahaa mid loogu xiray gaariga.

"Xidhibaanka isaga ayaa watay gaariga waxaana qaraxu uu ka dhacay kursiga uu ku fadhiyay hoostiisa, laba qof oo gaariga la saarnaana dhaawacyo kala duwna ayaa soo gaaray," ayuu yiri Warsame Joodax.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka lagu dilay xildhibaanka, waxaana warsaxaafadeed ay soo saartay ay ku sheegtay in weerarkan uu digniin u yahay madaxda dowladda, ayna meel walba oo dalka ka mid ah ku beegsan doonaan cid walba oo dowladda la shaqeysa.

Ehellada marxuumka ayaa u sheegay HOL in dilka xildhibaanku uu ahaa mid lasoo qorsheeyay ayna ka dambeeyaan kooxo diiddan nabadda dalka iyo dowladnimo la gaaro, iyagoo aan cid gaar ah carrabka ku dhufan.

Xidhibaanka lagu dilay qaraxa ayaa wuxuu soo noqday wasiirka ganacsiga iyo warshadaha iyo wasiirka arrimaha bani'aadamnimada iyo dib u dajinta qoxootiyada, isagoo ka mid ahaa xubnihii dowladda uga soo biiray isbahaysigii dib u xoreyn ee uu hoggaamin jiray madaxweyne Sheekh Shariif.

Mas'uulkan la dilay ayaa wuxuu ka mid ahaa xubnaha sida weyn ugu dhow madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn saameynta uu dilkiisa ku yeelan karo howlaha looga baxayo xilliga KMG ah ee ay dowladdu waddo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
7/16/2012 1:29 PM EST
Isniin, July 16, 2012 (HOL) - Waxaa maanta albaabada loo laabay in badan oo kamid ah goobaha ganacsiga ee magaalada Boosaaso, oo iyadu ah xarunta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee dowlad goboleedka Puntland.

7/16/2012 9:47 AM EST
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Kooxo sita labiska ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa xalay ku toogtay degmada Afgooye ganacsade iyo wiil uu dhalay oo lagu kala magacaabi jiray, Cismaan Axmed Xuseen iyo wiilkiisa Maxamed Cismaan Axmed, kaddib markii ay ku weerareen dukaankooda oo ku yaala bartamaha degmadaas.

7/16/2012 9:45 AM EST
Isniin, July 16, 2012 (HOL) - Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa si deggan uga jawaabay warbixintii qaramada midoobay ay soo saartay ee qaar kamid hogaamiyayaasha dawlada ku eedaysay musuqmaasuq iyo lunsashada hantida qaranka.

7/16/2012 8:37 AM EST
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo safar xaqiiqo raadis ah u tagay goboladda galbeedka Somaliland ee abaaruhu aad u dhibaateeyeen, kuwaas oo dad iyo duunyaba saamaysay, waxaanu caalamka iyo bulshadda ku booriyey inay gurmad u fidiyaan dadkaasi.

7/16/2012 8:31 AM EST
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa maanta sheegtay inay difaacaynayso magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, halkaasoo ay ku wajahan yihiin ciidamada Kenya ee ka mid noqday AMISOM, kuwa Dowladda KMG ah iyo xoogagga Raaskambooni.

7/16/2012 8:11 AM EST
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa maamul cusub maanta u magacowday gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya oo ay ka kala taliyaan Ururrada Ahlusunna Waljmaaaca iyo Xarakada Al-shabaab.

7/16/2012 8:09 AM EST
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi ayaan ka qaybgalay shirka madaxda ururka Midowga Afrika uga socda Addis Ababa, iyadoo ay ilo wareedyo hoose sheegayaan inuu aad u xanuunsan yahay.

7/16/2012 3:55 AM EST
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ay xabsi ku hayaan koox malleeshiyo ah oo gacanta ku haysa magaalada Misraata ee dalka Liibiya ayaa ka cabanaya dhibaatooyin lagu hayo.

7/16/2012 3:35 AM EST
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Madaxda ururka Midowga Afrika ayaa xalay u doortay in haweeney ay markii ugu horreysay hoggaamiso ururka Midowga Afrika, taasoo ah wasiirradda arrimaha gudaha ee dalka Koonfur Afrika, Nkosazana Dlamini-Zuma oo dhowr wareeg oo doorasho ah kaga guleysatay hoggaamiyihii Midowga Afrika, Jean Ping oo u dhashay dalka Gaaboon.

7/16/2012 2:55 AM EST
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, C/wali Maxamed Cali ayaa sheegay inay heer gabo-gabo ah marayaan howlaha looga gudbayo xilliga KMG ah ee Soomaaliya, isagoo sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in howshan ay ku dhammaanto xilligii loo qabtay.