4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 14, 2012
Maamulka Xarakada Al-shabaab ee Gobollada Jubooyinka oo Magaalada Kismaayo ku gubay Gaadiid siday Jaad

Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Maamulka Xarakada Al-shabaab ee gobollada Jubbooyinka ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay gaadiid si sharci-darro ah jaad kusoo geliyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

Gaadiidka la gubay ayaa ahaa illaa laba gaari, kuwaasoo jaad ka keenay dhanka Kenya, waxaana sidoo kale xabsiga la dhigay ragii gaadiidka waday iyo ganacsatadii hantida lahayd.

"Gaadiidka la gubay waa ilaa laba gaari, waxaana la qabtay iyagoo jaad wada," sidaa waxa yiri goobjooge ka gaabsaday magaciisa oo ku sugan magaalada Kismaayo.

Sida aynu ku helayno warar xog-ogaal ah, amarka lagu gubay gaadiidka qaadka siday ayaa kasoo baxay xaafiiska guud ee maamulka Al-shabaab ee Jubooyinka, waxaana xarakada Al-shabaab ay hore ugu digtay ganacsatada qaadka soo gelin jirtay gobollada Jubooyinka in ay ka foojignaadaan.

Inkastoo ay xarakada Al-shabaab gobollada Jubooyinka ka mamnuucday cunista iyo ka ganacsiga Qaadka, hadana waxaa jiray ganacsato si qarsoodi ah kusoo geliso qaadka, waxaana marar badan ay ciidamada ammaanka maamulka Kismaayo gacanta ku dhigeen dad fara badan oo ay soo qabteen iyagoo qaad cunaya ama si qarsoodi ah uga ganacsanaya gudaha magaalada Kismaayo.

Ilaa imika ma jiraan masuuliyiin katirsan maamulka Al-shabaab ee gobollada Jubooyinka oo ka hadlay gaadiidka qaadka siday ee lagu gubay magaalada Kismaayo.

Gaadiidkan qaadka siday ee lagu gubay Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada ammaanka maamulka Kismaayo ay dhawaan gacanta ku dhigeen doomo ganacsi oo si qarsoodi ah qaadka kusoo gelin jiray gobollada Jubooyinka kuwaasoo ilaa imika ay ciidamadu gacanta ku hayaan, waxaana sidoo kale xabsiga la dhigay shaqaalihii saarnaa doomahaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya