4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 14, 2012
Sirdoonka Faransiiska oo sheegtay inuu weli nool yahay Sarkaal saddex sano ka hor looga afduubay Magaalada Muqdisho
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Hay'adda sirdoonka Faransiiska ayaa sheegtay inuu weli nool yahay, Denis Allex oo ah sarkaal tababaray ciidamada Dowladda Somalia oo sannadkii 2009 ay isaga iyo sarkaal kale oo baxsaday ku afduubeen magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhigga ee Faransiiska, Jean-Yves Le Drian ayaa sheegay inay heleen warbixinno xaqiijinaya in Allex uu weli nool yahay, isagoo sheegay inay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay kusoo furtaan.

Kooxdii Xisbul Islaam oo afduubatay labadan sarkaal ayaa waxay ku eedeeyeen inay caawinayeen dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ay markaas dagaal kula jireen si ay xukunka uga tuuraan.

Xarakada Al-shabaab ayaa la rumeysan yahay inay sarkaalkan gacanta ku haysa inkastoo aysan iyadu ka hadlin weli inay hayso sarkaalkaas iyo in kale, wuxuuna ka mid yahay lix ruux oo u dhashay dalka Faransiiska oo lagu haysto gudaha Somalia.

Ma uusan sheegin wasiirka gaashaandhigga Faransiiska goobta rasmi ahaan lagu haysto sarkaalka iyo qaabka ay ku doonayaan inay kusoo furtaan, balse wuxuu xusay inay socdaan dadaallo lagu sii daynayo.

Dowladda Soomaaliya oo uu caawinayay sarkaalkan ayaan iyaduna weli ka hadlin in sarkaalkan Faransiiska ah uu weli nool yahay iyo in kale, sidoo kalena kama aysan hadlin halka lagu haysto, iyadoo dowladda iyo ciidamada caawinaya ay deegaanno badan kala wareegeen Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya