4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 13, 2012
Madaxweyne Siilaanyo oo maanta salaaddii Jimce kula tukaday dadweynaha masaajid ku yaalla magaaladda Hargeysa, iyadoo wax ilaalo ahi la socon


Jimco, July 13, 2012 (HOL)- Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta salaaddii jimce kala qaybgalay dadweynaha magaaladda Hargeysa, isagoo aan ilaalo la socon, isla markaana kula tukaday masaajid ay dadku iskugu yimaadaan.

Madaxwayne Axmed Siilaanyo ayaa maanta salaaddii jimce ku soo tukaday masaajid ku yaalla xaafadda Shacabka, una dhow guriga madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, halkaasi oo dadweynihii ku tukanayey mar kaliya arkeen madaxweynihii oo masaajidka kula tukanaya oo aanay hareero socon ciidankii looga bartay marka uu madaxtooyadda ka soo baxayo.

madaxwaynaha ayaa ku tukashada masaajidkaasi waxa ku wehelinayey qaar ka mid ah masuuliyiinta xukuumaddiisa oo ay ka mid yihiin Taliyaha ciidamada Milatariga iyo taliyaha ciidamada ilaalada Madaxtooyada oo aan dirayskii ciidanka xidhnayn Iyo Wasiirka Madaxtooyadda Iyo Guddoomiyaha Kulmiye, iyadda oo markii uu Madaxwaynuhu Masjidka soo galayey iyo markii uu baxayeyba uu dadkii masjidka kula tukaday uu qaarkood mid mid u salaamay, isla markaana ku urureen si ay u gacan qaadaan.

Masaajidkan ayuu inta badan uu ku tukan jiray wakhtigii uu mucaaradka ahaa ee uu gudoomiyaha xisiga kulmiye ahaa, balse tan iyo intii uu madaxweynaha noqday salaaddda jimcaha masaajidadka dadweynuhu iskugu yimaadaan kuma tukan jirin, balse wuxu ku tukan jiray masaajid kooban oo ku dhex yaalla madaxtooyadda oo madaxda dawladdu ku tukato.


Talaabadan ayaa ah mid ku cusub madaxweynaha, maadama oo Madaxweyneyaashii hore ee soo maray Somaliland ay maalmaha ciidda oo kaliya la tukan jireen masaajid weyn oo ku yaalla badhtamaha magaaladda Hargeysa, isla markaanna isku wareejin jireen ciidamo badan, haseyeeshee,  waa markii ugu horaysay tan iyo sidii uu madaxweynaha u noqday isago bilaa ilaalo ah uu masaajidada dadweynuhu ku tukadan kula takado, inkastoo maalmaha ciidda lafteedd uu madaxweyne Siillaanyo Ilaalo badan gaadh ka qabtaan masaajidka uu ku tukanayo ee dadku iskugu yimaaddo.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa muddoba marka uu joogo booqashooyin aan hore looga baran madaxweyneyaashii hore ku talaabsada, waxaanu hore booqasho tukaamaysi ah laba jeer oo kala durugsan ka sameeyey goor habeenimo ah dukaamadda magaaladda Hargeysa, iyadoo wakhtigaasi aanay ilaalo la socon.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu goor habeenimo ah dhowaan gurigeedda ku booqday wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somalia Maxamed Cabdilaahi Oomaar hooyadii oo degan magaaladda Hargeysa,oo ahayd xaaskii Cabdilaahi Oomaar oo ahaa ganacsade iyo siyaasi si weyn looga yaqaanay magaaladda Hargeysa, isagoo booqashadaasi ay ku wehelinaysay marwadda madaxweynaha iyo wasiirka Waxbarashadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan.

Booqashooyin uu kaligii madaxtooyadda kaga soo baxayo, iyadoo aan ilaalo la socon, ayaa dadweynuhu soo dhoweeyen, waxaanay ku tilmaameen mid isku soo dhoweynaysa madaxweynaha iyo dadweynaha, taasina ay  keento in maalmahaasi dadweynuhu hadal hayaan, iyagoo ku doodday in talaabooyinkaasi yihiin mid uu ku kasban karo dadweynaha.


Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland