4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 12, 2012
AMISOM oo Tababar socon Muddo Toddobaad uga furay Muqdisho Saraakiil Booliis ah oo ka socda dalka Sierra Leone
Khamiis, July 12, 2012 (HOL) — Booliiska AMISOM ayaa tababar soconay todobaad uga furay Muqdisho saraakiil booliis ah oo ka yimid dalka Sierra Leone, kuwaasoo la bari doono dhaqanka Soomaalida iyo shuruucda Soomaaliya.

Madaxa booliiska AMISOM, Dr. Charles Makono oo ka hadlay munaasabad tababarka lagu furyay ayaa sheegay in saraakiisha ka socda dalka Sierra Leone ay tiradoodu tahay 31-xubnood oo lix ka mid ah ay yihiin haween, isagoo sheegay inay qayb ka qaadan doonaan dib u soo celinta ammaanka Soomaaliya muddo 20-sano ah kaddib.
 
"Saraakiisha booliiska ah ee ka socda Sierra Leone waxay kusoo beegmaysaa xilli ay ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah ka saareen Al-shabaab deegaanno muhiim ah oo ay gacanta ku hayeen. Booliiskan waxay qayb ka yihiin howgalka AMISOM ay u joogto Soomaaliya waxayna ka howgeli doonaan deegaannada laga saaray Al-Shabaab," ayuu yiri Dr. Makono.

AMISOM waxay sheegtay in ciidamadan booliiska ah la geyn doono marka uu u dhamaado tababarkan afarta waaxood ee ay AMISOM ka howgalayso, kuwaasoo ay ka mid yihiin: Muqdisho, Baydhabo, Baladweyne iyo Kismaayo oo weli ka taliso Al-shabaab.

Booliiska ka socda dalka Sierra Leone ayaa waxay qayb ka yihiin ciidammo booliis ah oo ka imaanaya dalalka: Nigeria, Ghana, Uganda, Gambia, Burundi iyo Zimbabwe, kuwaasoo booliiska Soomaaliya kala shaqeyn doona ammaanka Muqdisho iyo deegaannada kale ee Al-shabaab laga saaray.

Tababarkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ciidamo booliis ah oo ka socda dal Afrikaan ah looga furo Muqdisho, iyadoo tani ay kusoo beegmayso xilli uu ururka Midowga Afrika ogolaaday in booliis ka socda dalalka Afrika ay ka howgalaan Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya